Vice-President Seylaci Inoo Weydiya 1994 Yaa Burburin Gaadhey Somaliland.

Tolow Saxiibkeen Seylaci waa Xogmooge. Ma Mue Bihi Been u sheegey oo ku yidhi 1994 Qaranka lagu soo duuley. Qaranka laguma Soo Duleenine Madaxweynaha Maanta dagaal sokeeye abuubuley.

Madaxweyne Cigaalna dhiig Sokeye faraha u galiyey. Ina Cigaalna intuu fahmey buu ku yidhi. Duco Qabe Xilku waa Meerto. (Waa Rafadkey Rafeynaysey) Kelmadahaas baa Taariikhda galley.

Ina Cigaalna dalkii iyo dadkii buu isla raadiyey, Waxuna ku soo xidhey Isagoo #Saleebaan_Gaal iyo #Muse_Bihi u jeedda dagaalkaasi Mashruuc buu ahaa wuuna dhamaaddey. Labadooduba iyagoo dibadd wareega oo Mucarad ah. Ayuu Cigaal Dhintey. Waayo labadoodba waxu dadka tusey, Munafaqadii iyo xiqdigii umadda dhexdeeda ey ka shaqeyeen.

Maantana labadii baa umadda u hormooda. Marka Mudane Seylaci, Taariikhdda Somaliland Soyaalka Maddow ey leeyahiin yaaney ku qurxin.

Xaaladda Laascaanoodna xabad waligeed laguma soo celin karo. Haddey ugu yaraato aan dhamaanteen dagaal ku qaado rag iyo dumar oo ugu yaraan 1 sano waddno.

Walaahi Laascaanood iyo shacabkeeda waar walalow waxaan aheyn kuma kasban karno. Sheekoyinka Qaaxo ee fashilmey. Waxaa laga sugayay inaad fahamto.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari