Waa abaalkiin!
Tan iyo habeenkii ay koobka Paris keeni waayeen, ciyaartoydii madoobayd ee Faransiiska u ciyaaraysay, waxa ku socotay caydii iyo cunsuriyaddii ay Yurub caanka ku ahayd, gaar ahaan Faransiis. Saddexdaas ciyaartoy ayay lee yihiin: “Maxaad Paris koobka u keeni waydeen, oo aad rigoodhihii iyo fursaddii u danbaysay u dhalin waydeen.”
Ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Kylian Mbappe ayaa isaga oo ka murugaysan waxa isaga iyo saaxiibbadii lagu hayo, warbaahinta la hadlay, oo xaqiiqada hortaalla rumaystay. Hadalkiisa waxa ka mid ahaa:
“Waan ka xumahay, taageerayaashu marka aannu guulaysanno jidadka inta ay usoo baxaan ayay na ammaanaan oo yidhaadan; France ayaa guulaystay, ha noolaado France, guul ayaad u keenteen France, balse haddii aannu guuldarraysano, gidigood wax ay ku dhawaaqan Afrikaankii ayaa na jebiyay, oo si xun noo galay. Soo galootigii bilaa sharciga ahaa ayaa halkaas na dhigay! Qaar ka mid ah, heer bay marayaan ay yidhahdaan; ku noqda kayntii iyo saxarihii aad ka timaaddeen, si aad u cuntaan caleenta dhirta qalashay, una cabtaan dhiiqada iyo ajada baliyada. Ma istaahishaan in la idin wayneeyo iyo guusha! Waxa aad ku noolaydeen oo weli ku sugan tihiin, meel liidata.”
Kylian Mbappe, wax uu si ciilkaambi ah u yidhi:
“Waa wax laga xumaado in hadalkaas aannu maqalo, waanu se u qalannaa waxaas oo dhan! Waayo, waxa aannu ka door bidnay dalkayagii in aannu ku noolaano qurbe! Waana abaalka marka aad dalkaaga ka fogaatid. Runtii wax aan ka fekerayaa in aan ka fadhiisto xulka oo aan ku laabto dalkaygii. Aabbahay asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa Cameron! Aniguna waxa aan doonaya in aan u ciyaaro xulka dalkayga Cameron, waana arrin aan si dhab ah uga fekeri doono.”
Walaa xawla! Kuwaas bay Soomaali badani i lahayd taageer! Waa xaqiiq, awrkiraalanimadu nolosha asal kuma laha. Xamaal uun baad ku garbabeelaysaa, cid abaal kuu haynaysaana ma jirto.