
Burco, (Qran news)-Waxa baraha bulshada la wareejinaayay tan iyo maanta in magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer uu ka dhacay mudaharaad balaadhan oo lagaga soo hor jeedo aqoonsiga ay dawladda Israel ay siisay Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland.
Waxa fajac iyo amakaag ku noqday shicibka ku dhaqan magaalada Burco warkaasi beenta ah ee ayna waxba ka jirin.
Waxa aanu ogaanay in warkaasi beenta ah ay baraha bulshada ku fafinayaan dad ka soo jeeda Somali oo aad uga xun horumarka iyo dawladnimada Somaliland
Magaaladda Burco waa hooyda Somaliland dhashay waxana ay u taagantahay Somaliland oo hesha aqoonsi taasi oo aad looga soo dhaweeyay aqoonsigii ay Dawladda Israel ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland
Magaaladda Burco waa deegaanada Burco waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabdoon magaalooyinka gobolka geeska Africa isla markaasna aad u fidaysa.
Xuseen Xasan Saalah
Qarannews
Burco





