Ma ogtahay in hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye aanu waxba dhaamin qofka caadiga ah ee suuqa iska xamaalanaya

Marka laga hadlayo fahanka siyaasada iyo ka umulinteeda mustaqbalka? Hadda ma aha mustaqbal fog ee waa waxa iman kara bilaha soo socda. Si aad taas u fahanto aan tusaaleyaal kooban bixiyo:-
1. Madaxweynaha ayaa loo gudbiyay xeer 14/2021 iyadoo weliba loo aaneynaayay inay xukuumadu dabada ka riixaysay fool-erigii lagu waday wax ka bedelkii xeerkaa. Wax ka bedelkii wuu la foolxumaaday Madaxweynaha. Mudo kordhin iyo Kulmiye in aanu ururo la tartamin baa u soo baxday. Waa kii Madaxweynuhu xeerkii ku soo celiyay Golaha Wakiilada. Markaa ma ay saadaalin karin waxa WADDANI ka soo bixi kara iyo sida ay u saamayn karto;
2. 15 November 2021 ayuu qabsoomay shirweynihii WADDANI. Abdiqaadir Jirde iyo Cirro fursadii hogaanka xisbiga WADDANI waxa ay siiyeen Gud. Xirsi Cali. Waxa cajiibka ahi waxa weeye hogaanka sare Kulmiye fahan iyo filasho uma lahayn in arrintaasi ay iman karto walow dadka suuqa iska shaqaysanayaa ay arrintaas ogaayeen. Waxa yaabka ahi waxa ay ahayd in hogaankaasi aanu xataa arrintaa garowsan todobaad ka hor shirka. Kolkii waagu ku beryay ayaa la xasuustay xeerkii la celiyay ee Golaha Wakiilada lagu celiyay. Ururadii wey furan yihiin, oo aan caqli iyo cilmi midna ku dhisnayn baa af labadii la dhawaaqay;
3. Xeerkii Madaxweyuhu uu iskii iskaga soo celiyay ayaa haddana Maxkamada Sare lagula cararay. Maxkamadii qaraar aan fahan loo lahayn baa laga soo xamaashay. Qaraarkii in xeer loo rogo ayaa dhaqanka dawladnimo yahay. Fahan uma lahayn Kulmiye ee waa kaa dalkii fawdo ku geliyay, ilaa haddana laf dhuun gashay buu ku noqday oo waa laga gar leeyahay;
4. Ururada aynu furno mooyee, maxaa dhankeena innaga soo bixi kara la isma weydiin. Hadda Maxamuud Xaashi oo ay tacab badan ku bixiyeen sidii uu Kulmiye ugu nagaan lahaa, ugana caawin lahaa haddii tartan dambe yimaado, ayaa urur Kaah la yidhaa la sameeyay siyaasiyiin kale. Waxa muuqata inay ka firgonaxeen haddana! Ma gabgab uun baa lagu jiri?
Madaxda Kulmiye waxba ma dhaamaan qofka suuqa ka xamaalanaya xaga fahanka siyaasiga ah iyo ka umulinta mustaqbalka siyaasiga ah. Markaa qariib ma aha inay ummada kolba gidaar ka soo jaraan oo jahwareeriyaan. Kuwii la hogaamin lahaa ayaa ummada hogaaminaya!