๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ข ๐๐ก๐๐ฒ๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐, ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐ฐ๐ ๐๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta Shir aan Caadi ahayn isugu yeedhay Xubnaha Golaha Wasiirrada, shirkaasi oo lagaga arrinsanayey Xaaladda Abaaraha dalka ka jira oo sii adkaanaya, kuwaasi oo saamayn weyn ku yeeshay nolosha dadka reer miyiga ah, Xoolaha, Biyaha iyo baadkaba. gaar ahaan Gobollada ku teedsan Gubanka, min Galbeed ilaa Bari.
Kulankan waxa lagaga wada hadlay sidii xog sugan looga heli lahaa si dhab ahna loogu qiimayn lahaa heerarka waxyeelada Abaaraha dhammaan Gobollada dalka, gaar ahaan Gobollada ku teedsan Gubanka ee Gobalada Selel, Awdal, Saaxil iyo Sanaag.
Sida oo kale, kulankani waxa uu daarrnaa isu-dubba ridka dedaallada Gurmadka Abaaraha ee ay Xukuumaddu waddo iyo dejinta Qorshe Qaran oo Dhammaystiran oo wax lagaga qabanayo Abaaraha inagu soo noq-noqday, haatan iyo mustaqbalkaba.
Madaxweynuhu waxa uu warbixin faah-faahsan ka dhegaystay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo Gobollada Selel iyo Awdal ku tagay kormeer ay ugu kuur galayeen xaaladda Abaaraha. Wasiirradu waxa ay Golaha u sheegeen in degaannadii ay booqdeen ay ku soo arkeen xaalad nololeed oo aad u adag, waxana ku habsaday Abaaro baโan oo khatar weyn ku haya nolosha dadka iyo duunyadaba.
Dhinaca kale, Golaha Wasiirradu waxa ay dood dheer ka yeesheen qaabka ugu habboon ee degaanadda ay abaaruhu ku habsadeen loogu gurman karo, biyo, cunto, iyo daawana loola gaadhi karo dadka iyo duunyada tabaalaysan.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in Gurmadka iyo Gargaarka bulshada ay abaaruhu haleeleen ay masuuliyadda koowaad saaran tahay Xukuumadda, sidaa darteedna loo baahan yahay in aynu kaga jawaabno gurmad midaysan iyo dareen-wadareed ummadnimo oo aynu ku bedbaadinayno dadkeena tabaalaysan.
Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in marka koowaad aynu Allah SWT isku xidhno, barino, gargaarna waydiisano in uu Abaaraha innaga dul qaado. Marka labaadna, in aynu innagu ummad ahaan isku tashanno, dhammaan Hayโadaha Qaranka JSL, Ganacsatada, Culimada, Dadweynaha iyo Qurbe-joogtu gacmaha iyo quluubtana furno, oo aynu u midowno Gurmadka Abaaraha ee dadkeena tabaalaysan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






