Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay oo aad u kala qaybsan ayaa ansixiyay qaraar muran dhaliyay oo wadamada ku booriyay inay wax ka qabtaan, ka hortagaan oo ay dacwad ku soo oogaan falalka iyo u doodista nacaybka diimaha, kadib dhowr nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka lagu gubay Sweden iyo dalal kale oo Yurub ka tirsan.

Qaraarkan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalal kale oo reer galbeed ah, kuwaasoo ku dooday inuu ka horimaanayo shuruucda xorriyatul qawlka. Arbacadii, ayaa qaraarka la meelmariyay, 28 dal ayaana u codeeyay, 12 dal way diideen, 7 way ka aamuseen.

Bishii la soo dhaafay, nin ka soo jeeda dalka Ciraaq ayaa caro xooggan laga muujiyay guud ahaan dunida Muslimka, kaddib markii uu jeexjeexay bogag Qur’aanka Kariimka ah, isagoona sidoo kale qaar ka mid ah kabaha ku masaxay qaar kalena ku gubay bannaanka masjid ku yaalla magaalada Stockhom xilli lagu guda jiro munaasabadda Ciidul-Adxa.

Safaaradda Sweden ee Baqdaad ayaa muddo kooban la weeraray, Iran ayaa joojisay inay safiir cusub u soo dirto Stockholm, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa cambaareeyay mas’uuliyiinta Sweden, waxayna ay ka codsadeen golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay Geneva inuu ka doodo arrintan.

Wadamada kulmay
Turkiga ayaa sidoo kale muujiyay caradiisa, isagoo ku sababeeyay in “falal fool xun oo ka dhan ah kitaabka barakeysan” ee ka dhaceen Sweden waxayna taas horseedday inay noqoto mid ka mid ah sababaha uu u diiday ansixinta codsiga dalka Scandinavianka ee ku biirista Nato. Isniintii, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa aqbalay inuu dhinac iska dhigo diidmada qayaxan, uuna taageero codsiga.

Dhowr mudaharaad oo la mid ah ayaa horay uga dhacay Stockholm iyo Malmö. Booliska Sweden ayaa codsiyo dheeraad ah loo soo gudbiyay, kuwaas oo ka yimid shaqsiyaad doonaya in ay gubaan qoraalo diini ah oo ay ku jiraan Qur’aanka, Baybalka iyo Tawreed.

Isaga oo la hadlaya golaha Qaramada Midoobay toddobaadkii hore, wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Bilawal Bhutto Zardari, ayaa sheegay in falalkan oo kale ay yihiin “hurin nacayb diineed, takoorid iyo rabshado”. Wasiirada Iran, Sacuudi Carabiya iyo Indonesia ayaa ku celceliyay aragtidaas.

Hase yeeshee, iyagoo si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka ayaa hadana dalalka reer galbeedka waxay difaaceen xoriyatul qawlka. Ergeyga Jarmalka waxa uu ugu yeeray tallaabada “daandaansi cabsi leh” laakiin wuxuu sheegay in hadalka xorta ah uu sidoo kale la macno yahay “dhageysiga fikradaha “. Ergeyga Faransiiska ayaa sheegay in macnaha xuquuqul insaanka uu yahay ilaalinta dadka, ee aysan ahayn diimaha iyo astaamaha.

Codeynta qaraarka ka dib, ergeyga Mareykanka ee golaha, Michèle Taylor, ayaa sheegay in waqti dheeri ah iyo dood furan, lagu gaari lahaa is afgarad.

“Nasiib darro, walaacayada si dhab ah looma qaadan,” ayay tiri. “Runtii aad ayaan uga xumahay in golahan uu awoodi waayay in uu cod midaysan maanta ku dhaleeceeyo waxa aan dhammaanteen ku heshiinnay ee ah falalka xun ee nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, iyadoo sidoo kale la ixtiraamayo xorriyadda hadalka.”

Ergeyga Pakistan u jooga Qaramada Midoobay ee Geneva, Khalil Hashmi, ayaa sheegay in qaraarku aan lagu dooneyn doonayn in la xakameeyo xorriyadda hadalka balse taa beddelkeeda looga dan leeyahay in la isku dheelitiro. “Waxaa wax laga xumaado ah, in dalalka qaar ay doorteen in ay ka tanaasulaan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga masiibada nacaybka diimeed,” ayuu yiri.