Waa kuma Ninka noqonaya raysul wasaaraha Cusub UK?

Rishi Sunak

Wasiirkii hore ee Maaliyadda, Rishi Sunak ayaa ahaa qofka ugu cadcad ee ahayd inuu beddelo raysul wasaarihiisii ​​hore, Boris Johnson kaddib markii uu is casilay bishii Luulyo.

Hase yeeshee, wuxuu ku guul-darreystay inuu qanciyo xubnaha Tory, kuwaas oo ugu dambeyntii codadkooda siiyay Liz Truss bishii Sebteembar.

Hadda waxa uu beddeli doonaa Marwo Truss kaddib markii ay shaqada iska casishay. Waana tallaabada soo celisay rajadiisii ahayd in mar un noqdo raysul wasaaraha UK.

Waa kuma Rishi Sunak, hoggaamiye noocee ah ayuuse noqon karaa?

Xagaagii, farriimaha ololaha Mudane Sunak waxa ay si gaar ah diiradda u saarayeen hal arrin: xaaladda sii xumaanaysa ee dhaqaalaha UK, iyo qorshihii uu ku xalin lahaa.

Intii uu tartankii hore socday, Sunak waxa uu BBC-da u sheegay in uu jeclaan lahaa in kursiga looga guuleysto beddelkii uu “ku guulaysan lahaa ballan been ah oo uu dadka ka qaaday”.

Waxa uu hadalkaas u muuqday weerar loola dan lahaa canshuur-dhimis ay ballan-qaadday Truss, oo xilligaas ku eedeysay Sunak inuu “fidinayo warar cabsigelin ah”.

Balse, ku dhowaad ​​dhammaan canshuur-dhimistii la soo jeediyay waa laga noqday si loo xasiliyo suuqyada maaliyadeed.

Sunak, oo aan ka hadlin qalalaasihii dhowaan dhacay, ayaa sheegay inuu u taagan yahay xilka Raysul Wasaaraha si uu u xalliyo “dhibaato dhaqaale oo qoto dheer” iyo sidoo kale inuu mideeyo xisbigiisa.

Rishi Sunak oo macaamiisha cunto siinaya

Rishi Sunak wuxuu noqonayaa raysul wasaarihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda qaaradda Aasiya ee xilkaas ka qabta UK.

Bishii Febaraay ee sanadkii 2020 ilaa Luulyo 2022 wuxuu ahaa wasiirkii maaliyadda UK. Hase yeeshee, toddobaadyo gudahood ayuu is arkay isagoo ku dhex jira badda dhaqaalaha UK oo xilligaas ay saameeyeen xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Si xowli ah ayuu siyaasadda dalkaas heer uga gaaray, sanadkii 2015 un bayna ahayd markii loo doortay xildhibaanka deegaanka Richmond, isagoo haatanna gaaray halka ugu sarreysa.

Sunak wuxuu ku dhashay magaalada Southampton ee dalka Ingiriiska sanadkii 1980, waxaana iska dhalay waaliddiin u dhashay Hindiya oo ka soo haajiray Bariga Afrika.

Aabbihiis waxa uu ku dhashay, kuna soo barbaaray Kenya, halka hooyadiisna ay ku dhalatay Tanganyika oo markii dambe noqotay Tanzania.

Aabbihiis wuxuu ahaa dhaqtar guud, halka hooyadiisna ay lahayd farmashiye.

Wuxuu wax ku soo bartay iskuulka gaarka loo leeyahay ee Winchester College – wuxuuna kabalyeeri ka ahaa maqaayad ku taalla Southampton xilliyada fasaxa, kaddib wuxuu cilmiga falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay – jaamacadda Oxford.

Mar uu shahaadada heerka labaad ka dhiganayay jaamacadda Stanford ayay is barteen xaaskiisa Akshata Murty, oo ah gabadha Narayana Murthy, oo ah bilyaneer Hindiya u dhashay, waxna ka aasaasay shirkadda teknolojiyadda ee Infosys.

Iyada iyo Sunak, oo 42 jir ah, waxay isu dhaleen labo gabdhood.

Waxaa loo maleynayaa inuu ka mid yahay xildhibaannada ugu taajirsan, balse Weligii meel fagaare ah kama sheegin hantidiisa inta ay gaarsiisan tahay, hase yeeshee, marka la eego taariikhdiisa dhaqaale kahor inta uusan siyaasadda gelin waxaa la sheegaa inuu milyaneer ahaa, isagoo da’da labaatameeyada un ku jira.

Hantida Sunak iyo qoyskiisa ayaa sanadkan dhexdiisa su’aal laga keenay, iyadoo arrinta aadka loo hadal-hayay ay ahayd arrimaha canshuurta ee xaaskiisa.

Murty ayaa kaddib sheegtay inay billaabi doonto inay UK canshuur ka siiso hantideeda dibadda taalla, si ay culeyska siyaasadeed uga qaaddo seygeeda.

Sunak wuxuu hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka noqday maanta oo ay dadka Hindida u dabaal degayaan ciiddooda Diwali.

Sunak wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii u ololeynayay ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub, isagoo sheegay in taas ay UK ka dhigeyso dal xor ah, caddaalad ah oo barwaaqo badanna gaara.

Sunak

Bishii Febaraayo ee sanadkii 2020 Sajid Javid wuxuu iska casilay jagada hoggaamiyaha waxaana beddelay, Mr Sunak.

‘Aqoonsigu macne ayuu leeyahay’

Si la mid ah Javid, wuxuu Sunak ka mid yahay jiilka ku dhashay UK, laakiin asal ahaan ka soo jeeda meel kale. Aqoonsigan macno ayuu u leeyahay sida uu sheegay.

“Waaliddiinteyda ayaa u soo guuray halkan, sidaas daraaddeed waxaa jira jiilkan dadka ah ee halkan ku dhashay, waalidkoodse aysan halkan ku dhalan, waxayna dalkan u yimaadeen si ay nolol uga sameystaan,” ayuu ku yiri wareysi ay BBC-du la yeelatay 2019.

“Marka ay noqoto dhaqanka korriimaha, waxaa suuratagal ah in aan macbadka tago dhammaadka toddobaadka – Waxaan ahay Hindu – hase yeeshee waxaan noqonayaa taageere [Kooxda Kubbadda Cagta ee Southampton] ciyaarta Saints ee Sabtida sidaas si la mid ah – wax kasta ayaad sameyneysaa, labadaba waad sameyneysaa.”

Wareysiga wuxuu ku sheegay in uu nasiib lahaa, maaddaama uusan la kulmin midab-sooc xilligii barbaaristiisa, balse waxaa jirtay hal dhacdo oo aan maankiisa ka go’in.

“Waxaan bannaanka isku raacnay walaalkey iyo walaashey iga yar, waxaan u maleynayaa in aan aad u yaraa oo aan ku jiray bartanka da’aadda u dhaxeysa 13 ilaa 19 jir. Waxaan aadnay maqaayad lagu iibiyo cunnooyinka fudud, aniga ayaana ilaalinayay [labada walaalaha ah]. Waxaa jira dad fadhiyay hareeraha noo dhow, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee aan la kulmay wax sidaas ah, waxay ku hadlayeen hadallo aan farxad lahayn. Erayga ‘P’.”

“Way i dhibtay. Weli waan xusuustaa. Waxay ku dhegtay xusuusteyda. Waxaa laguu caayi karaa qaabab kala duwan.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaa ku daray in uusan “u arkin in ay arrintaas maanta ka dhici karto” gudaha UK.

Waqti xaadirkan, mudane Sunak wuxuu taariikhda ku geli doonaa inuu noqdo raysul wasaarihii ugu horreeyay ee Britain ee ka soo jeeda Eeshiya, isagoo ay da’diisu tahay 42 jir, ahna mas’uulkii ugu da’da yaraa muddo ka badan qarni.

Sunak wuxuu beddelayaa Liz Truss oo toddobo isbuuc ka hor uga guuleysatay tartankii hore ee Tory. Mas’uulkan wuxuu taageero aad u badan ka helay in ka badan kala bar xildhibaannada Tory, halka Penny Mordaunt ay ku adkaatay inay hesho 100 xildhibaan.

Waxaa dhaarin doona Boqor Charles III ka hor inta uusan si rasmi ah u noqon raysul wasaare, taas oo la filayo inay dhacdo berri.

Laakiin, waxaa hortaalla caqabad la xiriirta sicir-bararka ka jira UK, kala qeybsanaan laga yaabo inay dhex taallo xisbiga kaddib toddobaadyo ay xaalad hubanti-la’aan iyo isbeddel ah ka dhex jirtay Conservatives-ka.

Xisbiga Shaqaalaha ee mucaaradka ah ee UK ayaa ku celiyay soo-jeedintiisa ah in la qabto doorashooyinka guud ee UK si la mid ah xisbiga Qaran ee Scottish.