Waa kuwama 36-da dal ee aan milateriga lahayn?

Dalka Iceland waa dal uu qabow badan ka dhaco
Dalka Iceland waa dal uu qabow badan ka dhaco

In dal uu yeesho ciidamo milateri waxay u baahan tahay in ciidamadaasi si wayn loo agaasimo, loo diyaariyo hub heer-sare ah oo ay askarta qalabka-sida ku howlgalaan, maalgelin joogta ah, iyo dayactir, arrimahaas oo dhammaan ay sameeyaan dowladaha madaxa-bannaan.

Hase yeeshee, waxaa jira dalal badan oo xor ah oo haddana iska-diiday inay samaystaan ciidamo milateri ah amaba kala diray kuwii ay lahaayeen.

Ciidamada milateriga waxaa loogu talagalay inay galaan dagaallada hubka la isu adeegsado iyo difaaca dalka ee cadowga gudaha iyo kan dibadda, sidaas oo ay tahayse waxay mararka qaar ka qeybqaataan howlaha gargaarka sida qeybinta raashinka, biyaha iyo daryeelka caafimaadka markii uu dalku u baahan yahay.

Sida lagu sheegay buugga lagu qoro xogta caalamka ee Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, waxaa dunida ku yaalla dhowr iyo soddon dal oo aan lahayn ciidamo milateri.

Switzerland iyo Austria ayaa tusaale ahaan waxa ay oggolaadeen inay difaacaan Liechtenstein, halka Faransiiska iyo Spain ay ilaaliyaan Andorra.

CIA-da ayaa intaas ku dartay in inkastoo dalalkaas “aanay lahayn ciidamo milateri oo rigli ah”, haddana dhowr dalalkaas ah ayaa leh ciidamo boolis ah, kuwaas oo u howlgeli kara sida ciidamada milateriga.

Dalalka caanka ah ee aanan lahayn milateriga ee ku yaalla caalamka waxaa ka mid ah:

Mauritius

Mauritius
Qoraalka sawirka,Mauritius dal ka tirsan qaaradda Afrika oo caan ku ah dalxiiska

Waddanka Mauritius ayaa milaterigiisa waxa uu kala diray sanadkii 1968, hase yeeshee waxaa uu dalkaasi leeyahay ciidamo u tababaran sida milateriga oo yar oo lagu magacaabo Ciidamada Gaarka ah ee Wareega. Waxay dhanka ammaanka iska kaashadaan waddanka Hindiya.

Mauritius ayaa ka mid ah dalalka caanka ah ee aan lahayn ciidamo milateri oo rigli ah. Hase yeeshee, waxa uu dalkaasi leeyahay ilaa 10,000 oo askari oo boolis ah, kuwaas oo mas’uul ka ah inay fuliyaan wax kasta oo milateri, boolis iyo ciidamo ammaanba ay qaban lahaayeen.

Mauritius oo ah dal ku yaalla qaaradda Afrika ayaa caan ku ah dalxiiska iyadoo dadka dalkaasina aanay si wayn u kobcin.

Andorra

Waddanka Andorra waa dal yar oo buuralay ah una dhaxeeya dalalka Faransiiska iyo Spain. Dalkan ma lahan ciidamo milateri oo rigli ah, hase yeeshee, waxa uu heshiis ilaalin ah la galay dalalka Spain iyo Faransiiska.

Sidaas oo ay tahayse waxa ay leedahay askar mutadawiciin ah oo aanan wax awood ah lahayn, kuwaas oo loogu talagalay inay ka soo muuqdaan xafladaha gaarka ah. Shuruucda dalkan waxaa meelmariya ciidamada booliska qaranka, kuwaas oo ammaanka dalkaasi u xil-saaran.

Costa Rica

Costa Rica

Dalkan Costa Rica ayaa 1948-kii, markii uu ka soo baxay dagaalkii sokeeye ee halakeeyay, waxa uu kala diray ciidamadii hubaysnaa. Sanad kastana kowda bisha Diseembar, Costa Rica waxa ay u dabbaaldegtaa maalinta la kala diray ciidamada.

Laakiin, waxa uu dalkan leeyahay ciidamo boolis ah oo si gaar ah u tababaran oo ay u tababaraan Mareykanka iyo Colombia, kuwaas oo qaabilsan arrimaha ammaanka gudaha ee dalka.

Dalka oo ku yaalla bartamaha Ameerika ayaa waxa uu ku dhow yahay dhulbaraha adduunka, wuxuuna leeyahay xeebo ku xira Badda Caribbean-ka iyo Badweynta Pacific-ga.

Liechtenstein

Dalkan waxa uu ciidamadiisii milateriga ahaa kala diray 1868-kii, kaddib markii uu u arkay in dhaqaale badan ay ku baxayso howlgelintooda.

Liechtenstein ayaa leh ciidamo boolis ah oo ku hubaysan hubka yaryar, kuwaas oo fuliya howlaha amniga gudaha.

Waxa uu gacan difaac ka helaa waddamada Switzerland iyo Austria haddii ay kaalmo u baahdaan, taas oo ku xusan heshiis aanan rasmi ahayn oo ay gaareen saddexdaasi dal.

Panama

Milateriga Panama waxaa la kala diray 1990-kii, waxa uuna haatan leeyahay ciidamo kooban oo u tababaran sida milateriga, oo dalkan waxa uu leeyahay waxa loogu yeero ciidamada Panama ee Shacabka, kuwaas oo mas’uul ka ah ammaanka gudaha iyo dhibaatooyinka xudduudaha.

Dalkan waxa uu ku yaallaa bartamaha Ameerika, waana midka dhul ahaan ugu dhuuban ee isku xira dalalka Ameerika.

Iceland

Dalka Iceland waa dal uu qabow badan ka dhaco
Dalka Iceland waa dal uu qabow badan ka dhaco

Dalka Iceland waxa uu milateri lahaa 1869-kii, balse wixii markaas ka dambeeyay waddankan waxa uu heshiis la galay Mareykanka, kaas oo tan iyo 1951-kii ilaa 2006 caawin jiray Ciidamada Difaaca ee Iceland. 2006, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Iceland uu ka caawin doono ammaanka, iyadoo dalkaas uusan ku lahayn wax saldhig ah oo ay joogaan ciidamadiisa.

Ilaalinta ammaanka dalkan waxaa ka mas’uul ah Gaashaanbuurta NATO (gaar ahaan Mareykanka, Norway, iyo Denmark).

Dalalka kale ee aanan milateriga lahaynna waxa ay kala yihiin;

Aruba

Cayman Islands

Cook Islands

Curacao

Falkland Islands

Faroe Islands

French Polynesia

Greenland

Grenada

Kiribati

Macau (China S.A.R)

Marshall Islands

Federated States of Micronesia

Monaco

Montserrat

New Caledonia

Nauru

Niue

Palau

St. Lucia

St. Vincent and the Grenadines

Samoa

San Marino

Sint Maarten

Solomon Islands

Svalbard

Tuvalu iyo

Vanuatu