Writen by Qaran News |

Dalka JSL waa mid qudha.. Dad kiisuna waa isku af, isku midab, isku diin.

Waxaynu wadaagna dhib iyo dheef, labadaba.

Waa xidid iyo xigaal wada yaala,

Hadaba, WAA MAXAY JEEGAANTU CUSUB , ee u inoo soo waariday Musharax Muuse Biixi Cabdi ?

Waxa weeye fikrad guracan, oo lugu taageeraayo Musharaxa Xisbiya KULMIYE, iyadoo la adeegsanaayo madax-dhaqmeed la majaro habaabiyey, kana kooban laba beelood, oo ku dhaqan Somaliland.

Waa fikrad ducfi ku salaysan, cuqdad iyo cadaawadna xambaarsan.

Waa fikrad xuquuq dheeriya loogu raadinayo beelo gaar ah, iyagoo laga soo boobaayo beelaha kale ee qaranka Somaliland.

Waxa la doonayaa in shacab weynaha dalka, loo kala qaybiyo dabaqado kala sareeya, oo ku salaysan qabyaalad iyo kala qoqobsanaan, qaran dumis ah.

Bulshoy, isagoo maanta Muuse Biixi musharax ah, ayay shucuurtaasi kasoo butaacday. Maxuu yeeli doona, haddu ku guulaysto doorashada madaxtooyo, ee dhacaysa 13-ka november 2017-ka ?

Miyaynu ogolaan karna, sadbursiimo ku salaysan duudsiga xuquuda beela kale ee ummadda Somaliland?

Miyaanay ahay fikrad qadhmuun, oo dib usocodnimo, libna ku ah wadajirka ummaddeena ?

Waxay ila tahay, in khatarta kashifantay laga hortago. sida lagaga hortegayaana waa isticmaalka ‘ Mayada Qayaxan’ oo loo taago Xisbiga KULMIYE.

Dhaqan keena ayaa ina faraaya in ooda laga dheeraysto aafaadka iyo waraabaha soo ciyaaya,

Bulshoy, adiga oo midaysan, ku dhawaaq ‘UF IYO AKHAS”, fikrada colaadaysan, ee loola baxay JEEGAANTA.

Ha nolaato JSL

Ha guulaysato midnima ummaddeedu

Ha dhacdo jeegaanta qabyaladaysani

Wa Billaahi Tawfiiq

Jaamac Yaasiin Faarax

Hargeysa/Somaliland