Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kaas oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah todobada dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkii hore.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeeda xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, taas oo hakad gashay illaa doorashadii Soomaaliya ka dhacday taas oo uu kusoo baxay madaxweynaha hadda haya talada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxmuud.
Intaas ka dib madaxweynaha Soomaaliya ayaa bartamihii bishii June ee sannadkii tagay shir madaxeedka Ururkan kaga qayb galay magaalada Arusha ee xarunta u ah dalka Tanzania sidoo kalena ah xarunta hadda ee dalladdan.
Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka dhanka dhaqaalaha iyo saameynta siyaasadeedba, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.
Maxay ka faa’iidaysaa Soomaaliya ?
Saddex ka mid ah waddamada dalladdan ku bahoobay ayaa Soomaaliya u diray Kenyana waxaa daga dad Soomaali ah oo ay dhiig iyo dhaqan wadaagaan Soomaalida kasoo jheedda Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa BBC-da uga jawaabay su’aashan, waxa uuna sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada ururkan isagoo sheegay in ay Soomaaliya heli doonto suuq ganacsi uu baaxad weyn.
“Waxaa loo baahanyahay in qofka Soomaaliga ah uu is weydiiyo maxaad ka gadi kartaa suuq saddex boqol oo milyan oo dad ah ama aad ka baran karta” ayuu yiri cabdisalan mar uu ka jawaabayey waxa ay ka helayso Soomaaliya, isagoo hadalka sii watana wuxuu yiri, “ saddex waxba waan samaysan karna, waxa ugu muhiimsan hadda eel aga hadlo waa helista cuntada, saddexda wax ee baahida cuntada tiri karana waan haysannaa.”
Waxaa uu ergaygu ku tilmamay saddexda wax ee baahida cuntada looga boxo kuwaas oo uu sheegay in Soomaaliya ay dhammaan haysto, dhul-beereed, bad iyo xoolo. “Waxaan haysannaa sided milyan oo hectar oo dhul beereed ah kaas oo u baahan waraab, waxaan xoolaha oo ama adduunka ugu badan ama Afrika ugu badan, waxaa kale oo aan haysanna badda ugu dheer uguna kalluunka badan Africa” ayuu yiri Cabdisalan oo qaba in dhamaan waxyaabahaas uu soo sheegay loo suuq geyn karo suuqa Bulshada Bariga Afrika.
Dhanka kale dadka Soomaalida ayaa dhammaan waddamadan ku leh ganacsiyo taasi oo sida uu ergaygu sheegay hadii ay Soomaaliya ku biirtu ururkan ay dadku heli karaan nidaam socdaal oo fudud.
Mar uu ka hadlayay ergaygu waxa ay Soomaaliya u faa’iidayn karto bulshada ururka wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay shaqaale xirfadaysan sida kuwa caafimaadka iyo wax barashada, oo uu ku sheegay inay shaqaale badan ka faa’iidi karaan bulshada dalladdu kasokow in suuqa ay Soomaaliya keeni karto badeecada kor ku xusan.