Waa sidee xaaladda magaalada Laascaanood Maanta?

.

Waraka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay saaka deggan tahay balse ilaa iyo xalay saqdhexe ay socdeen dibadbaxyo goos goos ah.

Ciidamada ayaa magaalada laga saaray oo ku noqday saldhigyadooda, inkasta oo rasaas goos goos ahna la sheegay in xalay magaalada laga maqlayey, wax khasaara ah oo rasaastaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Mudaharaadayaashana waxaa la arkayey iyaga oo waddooyinka suraya calammada Soomaaliya iyo kan Khaatumo.

Maamulka Somaliland waxay bixiyeen kharashka duugta dadki ku dhintay mudaharaadyadi ka dhacay magaaladaasi, waxayna ballanqaadeen iney bixinayaan magta dadki halkaasi ku dhintay.

Magaalada Laascaanood maalmihi u dambeeyey waxaa ka dhacayey mudaharaadyo rabshado wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dilalka isdaba joogga ah ee magaaladaasi ka dhaca waxaa ku dhintay 5 qof, qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen