
Waa tuma gabadha 1500 oo guri u dhisaysa ciidamada qaranka Somaliland?
Agaasimaha guud ee wasaaradda dowladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Somaliland Cali Cige Maxamuud, ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan qado ah ku maamuusay Faysa Maxamed Ismaaciil, oo ah gabadh 1500 oo guri u dhisaysa ciidanka qaranka Somaliland.
Kulankan ayaa ahaa soo dhaweyn iyo mid agaasimuhu ku bogaadinayay shaqada ay qaranka u qabatay.
Sidoo kale waxa casuumadda qayb ka ahaa madax-dhaqameed siyaasiyiin iyo xubno kamid ah haweenka qurbajoogta ee beesha Muuse Carre.
Shucayb Xasan Dheere






