Gabadha maanta ninka askariga ahi uu garaacaayo ee ku baahday baraha bulshada iyo sidoo kale warbaahinta Somaliland ayaa warbaahintu heshay magaceeda waxana la yidhaa Nimco Maxamed Axmed (Coolijoog)

Gabadhani oo ka mid ahayd dadkii mudaharaadaayay ayaa ka soo jeeda qoys halgankii SNM Ka soo qayb qaatay isla markaasina ay Sadex ka mid ah adeeradeed ay ku dhinteen dib u xorayntii Somaliland kuwaasi oo kala ahaa.

Muj. Ismail Coolijoog
Muj. Cumar Coolijoog
Muj. Bacaw Coolijoog

Allah haw naxariisto dhamaantood, marwo Nimco Maxamed Axmed (Coolijoog) ayaa sidoo kale deegaan ahaan ka soo jeeda deegaanka musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro