Waa tuma wasiiraddii ugu horreysay ee Muslim ah ee kitaabka Qur’aanka ku dhaarata?

Australia

Dowladda cusub ee Australia ayaa waxaa ka mdi noqday 23 wasiirro ah oo la dhaariyay maanta. Toban ka mid ah ayaa haween ah.

Waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada, Annie Ali iyo wasiirka warshadaha Ed Husik oo noqday wasiirradii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda dowladda dalkaas.

Balse Annie Aly ayaa noqotay wasiiraddii ugu horreysay ee Muslim ah ee dowladda Australia ee ku dhaarata Kitaabka Qur’aanka.

Dowladda federaalka ee Australia ayaa la rumeysan yahay inay tahay tan ay ku jiraan dadka ugu badan ee kala duwan marka la eego dowladihii hore.

Annie Ali, oo ah xildhibaan ka soo jeedda Galbeedka Australia, waxay markii ugu horreysay Xisbiga Shaqaalaha ka mid noqotay iyadoo shaqaale ah, kaddibna waxay xubin ka noqotay midowga xisbiga haatanna waxay noqotay wasiirad.

Mar ay ka hadleysay warbaahinta kaddib dhaarteedii, ayaa Dr. Annie Ali waxay tiri, “Inaan noqdo wasiir marna kama mid ahayn qorshahayga nolosha.”

Annie
Image caption: Annie Ali oo ku dhaaraneysa Qur’aanka

Dr. Ali ayaa markii hore ahayd haweeneydii ugu horreysay ee ka mid noqota baarlamaanka Australia, haddana waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee wasiir ah.

Ani Ali waxay ku dhalatay Masar. Mrakii ay labo sano jirtay ayay qoyskeeda u soo guureen koofur-galbeed magaalada Sydney.

Ani waa 55 jir, waxayna ahayd bare sare kahor inta aysan ku biirin siyaasadda. Waxay sidoo kale baaritaan ku sameysay ‘argagixisada’.