Runtii meesha waxa ka dhacay waa ka balaadhantahay waxay Somaliland qaadi karto. Waxaa laga milicsan karaa baaxadda ay leedahay arrintu, dhambaalada is garab taagga ah ‘solidarity’ ee madaxda adduunka qaar ka soo baxay iyo hay’ado caan ah.

Fursad baa jirta adduunku inagu caawin karo. Tujaarta Somaliland oo dhan hadday isu tagaan gudo iyo debedba maxay qaadhaan ahaan u bixin karaan?
Qaadhaan ururin arrintu ka weyn.
Waa sax in ganacsatadu doorkooda qaataan, laakiin ka maarmimayso in dawlado loo qayshado.

Waxaa loo baahanyahay suuqii Waaheen in dib loo dhiso si degdeg ah, haddii kale caqabado aad u qadhaadh ayaa ina soo foodsaaraya oo ay ka mid yihiin mid dhaqaale iyo mid bulshoba.
Ummad dhan ayaa u baahan inay ka soo kabato musiibada dhacday. Ilaah uun baa og xaaladda ay ku simanyihiin iyo sidii ay nafsiyaddoodu u soo noqon lahayd.

Arrinta reer Somaliland ay beegi karaan hadda waa dhiig joojin iyo quutal daruuri oo dadkii ku waxyeellobay dabka lala gaadho, iyo sidii ganacsatada yaryar ee barxad joogga ah loogu soo celin lahaa shaqadoodii. Waa qayb aad u muhiim ah bulsho ahaan iyagoo reero badan ka beeliya ganacsiga noocaas ah. Waxaa iyana ku jira keeryoonlayda , dilaaliinta, xammaaliinta iyo qaar kale.

2000 oo gooba ganacsi ah ayaa loo baahanyahay in ay dib u shaqeeyaan.
Imtixaan adag ayaa ina horyaal haddaynu reer Somaliland nahay.
Arrintu ma hawl yara.

Geesa lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa ee inta arrintu cusubtahay ee adduunku dareensanyahay ee laynala tacaadufsanyahay, sidee uga faa’idaysannaa?

Mahmoud Barreh
UK
Mahmoud963@hotmail.com