Waaiirka Tamarta oo Furay Kulan Dib u Eegis lagu Samaynayo Qorshahooda 2023ka


Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo ay weheliyaan Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa furay Kulanka qiimaynta iyo dib-u-eegista qorshe-sanadeedka Wasaaradda 2023.

Kulankan ayaa lagu lafo-guray waxyaabihii ka qabsoomay Qorshaha Wasaaradda ee sanadka sii dhaamanaya ee 2023, waxaana loogu gogol-xaadhayaa sameynta qorshaha sanadka soo socda ee 2024. Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay dejinta qorsheyaasha hawleed ee Wasaaradda, ku waa soo lagu jaan-goynayo qorshaha guud ee Qaranka