Waar hablaha yaryar uun iska soo daa cid ku odhan kartaa miyay agtiisa joogtaa oo Sacad Muuse ahi?

General Maxamed Xaashi Gaani
Waa janankii Siyaad Barre gobolada Waqooyiga oo dhan wakiilka uga ahaa xiliyadii dhalinyaradii Hargeysa la xidhxidhay ee dhagaxtuurkii 20 February dhacay. Shan qof ayaa ku dhintay dhagaxtuurkii sadexda maalmood socday. 11kii August oo Muuse Biixi Madaxwayne yahayna dhawr saacadood oo mudaaharaad salmi ahi socday 7 ayaa dhimatay, dhaawacii baa 100 kor u dhaafay 200 dad aan ka yarayna xabsiyada ayaa loo taxaabay.
Saw taariikh cad oo aan cidina dafiri karin maaha? Mise Caligurey baa been sheegaya oo wax kale ujeeda ayaydin odhan? Runtu haba qadhaadhaato eh waa run uun
Gaani awoodda adeerkii Siyaad Barre uu siiyay dhagaxtuurkii Hargeysa boqolaal ayuu dili karayay hadii uu doonayo oo aan laba cali ku wada hadasheen
Waar hablaha yaryar uun iska soo daa cid ku odhan kartaa miyay agtiisa joogtaa oo Sacad Muuse ahi? Dee maya
Waxaa Qoray Siyaasi Cali Guray