Writen by Qaran News |

WADAHADALADA SOMALIA WAA KHASAARE IYO WAKHTI LUMIS

Nin Gabayaa ahaa ayaa yidhi:

“Dhambalbaa caqliga loogu shubay waana loo dhimaye
Dhalinyariyo waayeel Walooy wax isma dhaantaane”

F.G: Fadlan Akhriste daawo fiidoyowga dhammaadka qormada; waa caddayn koobanoo ka hadlaysa xasuuqii Somalilalnd ee 1988-1991 Waxana soo bandhigay Idaacadda Jarmalka ee RD. Wuxuushtii sidaa ummada ula dhaqantay innagama mudna wadahadal iyo horfadhiisi toona.

Kuwa maanta jooga ee koonfur ka arrimiya iyo kuwii 1960 aynu ku hungownay waa ul iyo diirkeede yaan wakhti iyo juhdi dambe inagaga khasaarin wadahadal iyo hor-fadhiisi lala yeesho. Riyo been ah oo mala-awaal ku dhisayn ayey isku maaweelinayaan, marka ay xiiq-gooyaan ayaa miyirka iyo maanku dib ugu soo degi.

Innagoo tixgelinayna soojeedintii iyo taladii bulshada caalamka, waxay Somaliland aqbashay in wadahadal la isku hord-fadhiisto. Golayaasha Xeer-dejinta Somalilandna sidaas ayey xukuumaddii Md. Axmed Maxamed Maxamuud madaxweynaha ka ahaa kalsooni buuxda ku siiyeen.

Soojeedintaas lafteeda ayaan gar iyo daw midna ahayn, maadaama aanay jirin wax Somaliland iyo Somalia ka dhaxeeya oo laga wadahadlaa. Madaxbannaanidii Somaliland ee Bishii Juun 26, 1960 cid mulkiyaddaa lagu wareejiey ama lagula sharaakoobay oo sharciyeysanina habayaraatee aysan jirin.

Ayadoo xaqiiqadu sidaa tahay, ayeynu haynaa inta jeer ee wadahadal Somalia iyo Somaliland ku kulmeen iyo natiijadii ka soo baxday oo isugu biyo shubatay hal bacaad lagu lisay. Waxa cad horeyso iyo dambeysaba Soomaali Koonfureed weli may kamay dhaadhicin in Somaliland aanay horena uga mid ahayn dibna uga mid noqonayn.

Kuwa aynu wadahadlayna waxay soo xuleen dembilyaal dagal sida Morgan(Butcher of Hargeysa) iyo Cabdiraxmaan Guulwade oo weli ku hadaaqaya xasuuqii Somaliland xaq buu ahaa!. Waa gacan-ku-dhiigleyaashii ka qeybgalay gumaadkii dadka reer Somaliland. In badana waxay iska soo horeysiiya calooshooda ushaqaystaal asalkooda Somaliland ka soo jeedo.

Waxayna ogeyn in Somaliland ay haysato qaab ay dunida xaqeeda uga raadsato iyadoon Somalia wadahadalba lal gelin. Waxa innala gudboon in aynu adeegsano qawaaniinta iyo shuruucda taala Qaramada Midoobay een muran iyo madmadow midna lahayn.

Sidaas marka xaalku yahay, maydkan dunidu shirixa innoogu xidhay waxa keli ah ee la hordigayaa waa qodobadan soo socda:
Qodobka koowaad: kala-gurasho iyo qarannimada Somaliland oon gorgortan lahayn
Qodobka labaad: Qiraalka Xasuuqii Dowladdii Soomaaliyeed kula kacday dadka reer Somaliland sannadihii 1988-1991.
Magdhowga dadkii la xasuuqay, hantidii la burburiyey, iyo tii la bililiqaystay, iyo dhawacii loo geystay deegaanka iyo qiimaynta dhammaan hantidii qaranka gudo iyo debedba si Somaliland qeybteeda u hesho.( Hantidaa waxa ka mid ah dhismayaashii iyo guryihii safaarada, lacagihii baananka debeda yaalay iwm.)
Hadda wixii ka dambeeya waa in xukuumadda Somaliland soo afjartaa sheek dambe oo wadahadal.

Wa Taciyahaa udunun Waaciye.
Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland ha jirtoo ha waarto.

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
January 19, 2021.

https://www.facebook.com/axmed.cabdi.4611/videos/2776608029221002

Saed
dalka jarmalka oo soo bandhigay muuqaal naxdin naxdin ah oo laga duubay 1989 sidii ciidankii soomaliya u Xasuuqay shacabka soomaliland.
www.facebook.com