Waddan Muslim ah oo hub u diraya Ruushka+Sababta

.

Iran ayaa qorsheyneysa inay Ruushka siiso boqolaal diyaarado oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn si ay ugu geystaan dagaalka Ukraine. Diyaaradahan ayaa  waxa ay qaarkood leeyihiin awood dagaal, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa sheegay in xogta uu Maraykanku helay ay muujinayso in Iran ay isu diyaarinayso inay ciidamada Ruushka u tababarto adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxa uu intaa ku daray in aanay caddayn in Iran ay weli soo dhiibtay iyo in kale.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ahaa dagaalka socda ee Ukraine iyo Ruushka.

Toddobaadkii hore, Ukraine waxay codsatay deeq kumanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga caawiyaan dagaalka ay Ruushka kula jiraan.

Mr Sullivan waxa uu intaa ku daray in sirta uu Maraykanku helay ay u dhowdahay aragtida ah in weerarka Ruushku ku hayo bariga Ukraine uu kharashkiisa la mid yahay kharshka guud ee hubkiisa.

Waxa kale oo uu arkay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay hore fallaagada Xuutiyiinta Yemen ugu adeegsan jireen weerarrada Sucuudiga ay ku bartilmaameedanayeen.

Hadalkiisa ayaa yimid ka hor booqashada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku tagayo Israa’iil iyo Sacuudiga toddobaadkan.

Labada waddan midkoodna ilaa hadda kuma biirin cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka ee dagaalka uu ka wado Ukraine.

Israa’iil ayaa u aragta Iran oo horay ugu baaqday in la ciribtiro Israa’iil, khatarta ugu weyn ee gobolka.

Maraykanka iyo xulafada kale ayaa hub balaayiin doolar ku kacaya siiyay Ukraine tan iyo duulaankii bishii Febraayo.

Xidhiidhka u dhexeeya Ruushka iyo Iran ayay reer galbeedku aaminsan yihiin mid aad sidaa u sii adkayn oo midba midka kale dantisa uun uu ka eeganayo balse khubarada qaar ayaa qaba in xiriirkoodu uu sidaa ka sii qoto dheer yahay.

Haatan dhinaca siyaasadda iyo militariga ee iskaashiga ka dhexeeya Moscow iyo Tehraan waxaa lagu qiyaasaa 4 bilyan oo doolar.

Dabcan, xiriirka Moscow iyo Tehran waa mid marna sara u kaca marna hoos u dhaca.

Ilaa xukunkii Shah Moxammad Reza Pahlavi, waxaa Iran ka socday dagaallo badan oo Ruushka iyo Iran u dhaxeeyay kuwaas oo ka dhashay faragelintii Midowgii Soofiyeeti, kuwaas oo mugdi geliyey xiriirka casriga ah ee labada dal.

Inkasta oo shah loo tixgeliyey inuu ahaa saaxiibka dhow ee Maraykanka, hadana sidoo kale wuxuu xiriir dhow la lahaa xoogagga Ruushka ee USSR.

Sanadihii 1960-aadkii iyo 70-meeyadii, Midowgii Soofiyeeti waxa ay Iran ka dhiseen warshado iyo dhuumo kuwa gaaska ah, waxa ayna ciidamada Iran ku qalabeeyeen hub casri ah, taasi oo ka dhigtay in markaasi ay noqoto xilligii uu ugu wanaagsanaa xiriirka Ruushka iyo Iran.