Writen by Qaran News |

 

Wafti heer sare ah oo ka socda xukumadda Somaliland ayaa wararku sheegayaan in ay hada gaadheen dalka Israel, waftigani oo ayna ilaa hada ayana shaacinin xukumadda Somaliland iyo ta Israel toona, ayaa ay waraku sheegayaan in waftigaasi uu wada hadalo la yeelan doono xukuumada Israel.

Hase ahaatee waxa warkaasi xaqiijiyay oo bartiisa Twitterka soo dhigay suxufiga caanka ah ee reer Israil Edy Cohin, isga oo warkaasi ku dhaafay oo qudhaata… War degdeg ah : Wafti ka yimid Somaliland ayaa ku sugan Israel.

Waa markii u horaysay ee wafti ka socda Somaliland ay ka degaan dalka Israel tan iyo intii ay Somaliland la soo laabtay xoriyadeeda, dalka Israel-na waxa uu ahaa wadamadii Somaliland aqoonsaday xiligii ay xornimada ka qaadatay dawlada Ingriiska 1960-kii ka hor intii ayna Somaliland la midoobin Somaliya.

Wixii war ah ee waftigaasi ka soo kordhana waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararkeena danbe