Oodweyne (Qaran news)- Waftigii uu hogaaminaayay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye ee ku sugnaa magaaldda Burco ayaa saaka u jarmaaday magaaladda Oodweyne ee xarunta gobolka Daad madheedh. Waftiga Samaale oo ku fashilmay in uu hanta quluubta beesha bariga Burco ayaa magaaladda Oodweyne u tagay in uu xilka u kala wareejiyo maayarka cusub ee Oodweyne iyo kii hore oo maanta xilka loo kala wareejinaayo.

Fadeexda ugu weyni waxa ay maanta tahay in dadkii xaflada xil wareejinta ka sacabin lahaa ama ka mushxaradi lahaa baabuur lagaga soo guray deegaanka Sheekh ee gobolka Saaxil arinkaasi oo ay xukuumaddu ka hawl gashay.

Waxa iyana saaka dhanka Hargeysa ka anbabaxay wasiir Siciid Sulub iyo wasiirad Shugri Bandaro kuwaasi oo uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku xoojiyay in ay garab siiyaan waftiga Cabdicasiis Samaale oo la sheegay in ay iyagu socon doonaan oo tagi doonaan magaaladda Ceerigaabo iyo deegaanada hoos yimaada halkaasi oo la sheegay in ay dib u furi doonaan xafiisyadii Kulmiye oo iska xidhnaa 7 sanadood ee ugu danbaysyba ee uu Muuse Biixi uu xilka hayay

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha waftigani.