Writen by Qaran News |

Wakhtigan Iyo Jawaabta Ku Habboon Dawladda Xamar

Eng. Maxamed Haybe Xirsi

Bide cuntaa deeqda , gobna wanaaga ayaa deeqda . Maahmaahdan hadii aad u fiirsato macnaha ay xambaarsan tahay waxay ka turjumaysaa sifooyinka ay kala leeyahiin shacabka Somaliland, oo iyagu ahaa kuwii midnimadii 1960 keenay , doonayayna shan somali oo walaalo ah, awoodna aduunyada kuleh. Iyo soomaali talyaani, Waxa taa ka soo horjeeda talaabadii madaxdii ka wakiilka ahayd shacabka somali talyaani ay ku khiyaameeyeen midnimadii ay wadeen shacabka reer Somaliland, iyadoo 23 qodob ee barlamaanka Somaliland ay ansixiyeen si ay u noqoto midnimada labada gobol ee waqooyi iyo koonfur mid guulaysata ay ku tureen baaldiga xashiishka , kuna badaleen laba qodob oo iyagu jeebka kala soo baxeen oo kala ahaa labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur way midoobeen , labadoodii baarlamaana waa la isku daray.

Khaladkaa ay madaxdii somali talyaani ay galeen iyagoo eegaya dan yar oo hunguri ah , waxay sabab u noqotay in midnimadii ay reer Somaliland wadeen ay god dheer ku dhacdo , qalbigii shacabka reer Somaliland midnimada u hayeena uu jeesto. Cudur dawaa loo doonaaya , waxaa ku xigtay talaabadii dawladii afwayne uu ku xasuuqay shacabka reer Somaliland isagoo xasuuqay dad tiradoodu tahay 300,000 oo qof marka lagu daro dadka ilaa iminka aan la ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waxaa la soo saaray xabaalo waradeedyo tiradoodu boqolaal sare u dhaaftay . Xabaalo waradeedyadaa waxa qaarkood loogu tagay lafaha maydadka inan iyo aabahii oo gacmaha iskaga xidhan, caruur dadoodu aad u yar tahay , qoysas ka kooban aabe , hooyo, wallaal . Waxa si cadawtinimo leh hub culus loogu burburiyay magaalooyinkii waawaynaa ee kunka sano la soo dhisaayay iyo dhamaan hantidii dhextalay. Dawladahan maqaarsaarka ah ee xamar loo sameeyay iyaguna ismay qabane waxay halkii ka sii qaadeen khaladkii aabayaashood ka galeen reer Somaliland , iyagoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay Somaliland u cuno qabatayn lahaayeen , aduunyada uga soo xidhilahaayeen, iminkana damacsan sidii shacabka reer Somaliland ay dhexdooda isaga horkeeni lahaayeen ,iyagoo adeegsanaya dhuuni qaatayaal u dhashay reer Somaliland.

Hadaba sidii aynu isaaga difaaci lahayn cadawga kaliya ee aynu aduunka ku leenahay oo ah somali talyaani waxa loo baahan yahay in shicib iyo dawladba ka yeelano go’aan cad oo aynu iskaga difaacno cadawtinimadaa oo ay reer somali talyaani ka siman yahiin. In badan ayaa afloogu jawaabay , waxaana la yidhi nimaan warankaagu kaa reebin weedhaadu kaama reebto.

Gabagabadii jawaabta ku haboon maanta dawlada xamar ee maqaarsaarka ah waa in ninkasta oo xil sare ka haya , ha ugu horeeyo raysalwasaare ku xigeenka oo ah cadaw doonaya sidii uu Somaliland u baabi’in lahaa , isagoo maqan la soo saaro maxkamad mellateri , laguna xukumo 15 ilaa 30 sano oo xadhig ah iyo hantidiisa oo qaranku la wareego.

Shakhsigii xil ka soo qabtay xamar , inaan loo ogolaan in uu xil siyaasi ah ama xil dawli ah in uu umada u qabto , xisbiyada ku biro. Arinkaas oo ka hortagaaya in shakhsigaas cadawga u soo shaqeeyay uu marlabaad umada lugooyo.

Qalikii : ENG Mohamed Haibe Hersi { Belgium }

Haibe2005@hotmail.comWakhtigan Iyo Jawaabta Ku Habboon Dawladda Xamar