Writen by Qaran News |

Nin baa waxa uu yidhi: “Waqtigu waa wax aynu aad u jecel nahay, haddana waa waxa keli ah ee aynu khasaarinno.” Waa run oo waxa laga yaabaa haddii ay qofka hanti badani ka lunto in uu mar uun helo hantidii ka luntay mid le’eg amaba ka badan. Laakiin haddii uu qof ama ummad waqti ka khasaaro, waqtigaas dib looma soo celin karo, dibna looma heli karo oo waa tii hore loo yidhi: “Qof shinkii dhammaadiyo, shalay miyaa la soo celin?”

Waqtiga oo laga faa’iidaystaa waa arrin fiican oo aynu wada garanayno isla markaasna aan cidna loo sheegayn. Waqtigu waa wax degdega oo aan daqiiqad keli ah hakanin. Qofka marka ay maalini dhaafto waxa ay ka dhigan tahay in ay qayb noloshiisii ka mid ahi tagtay. Mar haddii uu waqtigu yahay wax aynu aad u jecel nahay waxa fiican in aanu dhayal inagaga khasaarin ee aynu si fiican oo khayr leh uga faa’iidaysanno.

Waqti qof ka khasaaraa murugada uu keeno waxa la garan karaa marka la arko qof xilligii uu xoogga lahaa aan adduun iyo aakhiro midna u shaqaysan oo markii uu guudku caddaaday ayaamihii dhaafay dib u goconaya. Waqti qof ka khasaaraa murugada uu keeno waxa la garan karaa marka la arko arday waxbarashadiisii sannad dib uga dhacay ama imtixaan ku guuldarraystay oo fursadihii uu dayacay mar kasta dib u xasuusanaya. Waqti ummad ka khasaarayna waxa la garan karaa marka la arko bulshoweyn uu kelitaliye ku habsaday ama ummad burbur ku dhacay oo ay haddana quwado kala duwani jiif iyo joog ba u diideen sida Soomaalida oo kale!

Waqtiga iyo sida looga faa’iidaysto dadku waa uu ku kala duwan yahay. Waxa aynu tusaale yar u soo qaadan karnaa laba qof oo uu midkiiba haysto shan saacadood oo firaaqo ah. Labadaa qof mid baa laga yaabaa in uu shantaa saacadoodba shaqo qabto ama uu wax akhristo oo uu aqoon badan kororsado. Midna waxa suurta-gal ah in muran iyo qaylo aan loo baahnayn uu ku daalo oo ay sidaa saacadihii kaga dhammaadaan. Midi waxa uu hoyanayaa isaga oo wax qabsaday ama macluumaad badan faa’iday, midna isaga oo daalay oo aan waxba korodhsan.

Si aanu waqtigu u khasaarin waxa fiican in la xasuusnaado lama arrimood. Labadaa arrimood midi waa in wax kasta loo fiirsado oo si fiican loo qiimeeyo, waayo hawluhu qiimaynta kama soo hadhaan, qiimayn xumina waxa ay keeni kartaa natiijo xun. Nin caqli badan ayaa beri magaalo uu degganaa gees uga yar baxay oo fadhiistay meel u dhow mid ka mid ah waddooyinka magaalada laga soo galo. Isaga oo halkiisii fadhiya ayaa waxa soo maray laba nin oo doonayey in magaaladan uu ninkani deggan yahay ay u soo guuraan. Labadii nin mid ka mid ah iyo ninkii caqliga badnaa waxa dhex maray su’aalahan iyo jawaabahan:

— Dadka magaaladan ku nool dabeecadahoodu waa sidee? Waxa aan doonayaa in aan magaalada soo dego oo aan ka soo guuro ta aan deggenahaye?

—Horta magaalada aad ka soo guurayso dadka deggani waa dad noocee ah?

—Waa dad naxariisdaran oo xaasidiin ah

—Halkanna haddaba waxa ku nool dad kuwaa aad sheegtay la mid ah!

Halkaa markii ay arrini maraysay ayaa waxa hadlay ninkii kale oo kan su’aalaha bilaabay ag taagnaa, waxanu ninkii caaqilka ahaa ku yidhi: “Aniga dadkii aan magaaladaas aan ka soo guurayo degganaa waxa ay ila ahaayeen dad wanaagsan oo naxariis badan”. Caaqilkii ninkan danbe isna waa uu u jawaabay oo waxa uu hadal ugu soo koobay: “Dadka aad halkaas wada degganaydeen kuwa la mid ah ayaa halkanna ku nool”.

Laba wax ayaa sheekadan yar ku jira. Labadaa wax midi waa in aanay dadka caqliga badani haddii wax la weydiiyo jawaabta ama talada markaaba ku degdegin, ee ay qofkii wax weydiiyey dib wax u su’aalaan si ay xog u helaan, waayo waa tii hore loo yidhi: “Xog helaa talo hela.”

Arrinta kale ee meesha ku jirtaa waxa weeyi marka ay dadku wax qiimaynayaan in ay qiimayntooda ku saleeyaan aragti marka horeba maskaxdooda ku jirta taas oo laga yaabo in ay marar badan xaqiiqada jirta ka fog tahay.

Waxqabad

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa waxa ay mararka qaarkood meelahaa ka sheegsheegaan in ay bulshadu u baahan tahay in wax loo qabto. Marka ay sidaas leeyihiin waxa ay inta badan indhaha ka laliyaan waxqabadyo kala duwan oo la qabtay oo ay qaarkood yihiin qaar waaweyn, waxayna carrabka ku adkeeyaan in loo baahan yahay in wax weyn oo muuqda la qabto.

Ha weynaado ama ha yaraado ee wax kasta oo la qabto in la qiimeeyo ayaa muhiim ah. Wax kasta oo la qabtaa xataa haddii uu yar yahay waa lagama maarmaan. Waxyaalo yar yar oo kala dudduwan oo xilliyo kala danbeeya la qabto ayaa waxqabad weyn noqon kara.

Waxa fiican in ay dadkeennu ogaadaan ama fahmaan in aan hal mar la samayn karin waxqabad weyn oo buur la’eg, ee uu waxqabadka weyni yahay natiijo ka dhalata waxqabadyo yar yar oo la isku dardaray.

Nin goor aroor ah meel xeeb ah marayey ayaa waxa uu arkay nooc kalluunka ka mid ah oo boqollaal gaadhaya oo inta ay mawjadihii baddu aad u kaceen ay xeebta ku soo tuureen. Kalluunku waa uu noolaa, hase yeesho ee haddii uu daqiiqado yar halkaa sii oolli lahaa, fallaadhaha qorraxduna ay ku dhici lahaayeen naftu waa ay dayn lahayd.

Ninkii markii uu arkay xaaladda uu kalluunku ku jiro ayaa uu xaggii kalluunka u dhaqaaqay, dabadeed kolba mid ayaa uu qaadaa oo uu badda ku tuuraa si uu u noolaado.

Meel isaga ka danbaysa nin joogay oo sheedda ka soo eegayey oo ninkan kolba xabbad kalluun ah badda ku tuuraya la yaabbanaa ayaa u yimid oo weydiiyey: “Waar boqollaal kalluun ah oo aanad wada bedbaadin karayn ayaa meesha yaalla, ee maxay xabbad yar oo aad badda ku tuurtaa taraysaa?” Ninkii ma uu hadal ee inta uu dhawr tallaabo qaaday ayaa uu mid kale oo kalluunkii ka mid ah qaaday oo uu badda ku tuuray. Markaas ka dib buu jawaabay waxana uu yidhi: “Kan u danbeeyey, tusaale ahaan, waxtar weyn ayaa ay u tahay oo waa kaa bedbaaday ee nool”.

Maahmaah qalaad ayaa ahayd: “Rooma maalin laguma dhisin!”

Qalinka: Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com