War ka soo kordhay askari Soomaaliya oo u xidhnaa dilka Haweenay Australian ah

Maxamed Nuur

Askari hore uga ka tirsanaa booliska  Minneapolis oo  loo xiray inuu sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn ayaa xabsiga laga sii daayey. Maxamed Nuur oo ah Soomaali Maraykan ayaa xabsiga haatan laga sii daayey ku jiray saddex sano.

Markii ugu horraysay ee maxkamadda la soo taagay waxay lagu helay dil kama’ ah oo waxa muddo markii ay socotay dacwadiisu kama dambaystii sannadkii 2019 lagu xukumay laba iyo toban sano iyo bar xarig ah. Laakiin racfaan ay xukunkaa ka qaatay  qareennadiisu ayaa muddo ka dib ay  maxkamadda sare ee gobolka Minnesota u oggolaatay in laga dhigo xukunkiisa  shan iyo dhowr bilood.

Maxaa xiga hadda?

Gobolka Minnesota ayaa sharciyadiisu waxay fasaxayaan in maxbuuska hab dhaqan fiican muujiya inta uu xabsiga ku jiro lagu hayo mudada xadhigiisa saddex meeloodow laba inta hadhayna dibadda  ku qaadanaya oo lala socon doono. Maxamed Nuur ayaa waxay boolisku habdhaqankiisa la socon doonaan ilaa 24 January ee sannadka 2024.

Justine Damond
Justine Damond waa hawenaydii la dilay

Gabadhii ku baxday gacanta Maxamed Nuur hooyadeed oo warbaahinta la hadashay ayaa iyada oo ka falcelinaysa sii daynta maxbuuskaas waxay tiri.

“Aad baan uga xunnahay arintaas, aad baanu ula fajacsannahay in eeddii laga daayey waxa se nagaga sii daran hab dhaqanka booliska Minneapolis.”

Waxa la rumaysnaa in Maxamed Nuur yahay askarigii ugu horreeyey ee booliska gobolka Minneapolis ka tirsan ee lagu helo dembi ah in isaga oo shaqada ku jira uu qof toogasho ku dilay. Hase yeeshee ka dib waxa dhacday in askarigii kale ee dilay ninkii Marakanka madow ahaa ee George Flyod in isagana xabsiga loo taxaabay.

Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay. Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan u cuntamayn sida uu u dhacay”.

Maxamed muxuu horay u sheegay?

Nuur oo ka sheekaynaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in uu rumaystay in ay halis ku soo wajahantahay markii uu maqlay dhawaq isla markaasna arkay Damond oo gacanteeda midig taagaysa.

Maxamed ayaa sheegay in askari Matthew Harrity oo ay wada shaqaynayeen uu ku dhawaaqay “”Oh Jesus!” uuna ku soo laabtay isaga oo buskooladdiisa la soo bixi raba “cabsina ay wajigiisa ka muuqato”. Maxamed wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in uu toogtay qof aan hubaysnayn ay la noqototay in ay dunida uga dhammaatay.

Dacwad oogeyaasha ayaa su’aal galiyay run ahaanshaha dhawaqa uu Maxamed sheegay in uu maqlay, iyaga oo tilmaamay in isaga iyo askarigii la hawlgalayay uusan midna markii hore xusin wax dhawaaq ah oo ay ka maqleen goobta uu dilku ka dhacay.

Baaritaankii la sameeyay ayaa sidoo kale muujiyay in Damond aysan taaban gaariga askarta maadaama sawirka laga qaaday faraheeda aanan laga helin. Gabadhan ayaa magaaladaas u tagtay si ay u guursato Don Damond oo ay wada socdeen.