Maktabad dad nool ku baddashay buugaagtii la akhrisan jiray

Samantha Braxton
Samantha Braxton waa qoraa ka mid ah mutadwiciinta maktabadda diyarka ku ah

Dalka Denmark waxaa laga hirgeliyey maktabad dad nool ku baddashay buugaagti maktabadda lagu akhrisan jiray.

Maktabadda oo Denmark ka soo billaabatay oo marki dambe waddama kale ku baahday hal abuurkeeda waxaa lahaa nin lagu magacaabo Ronni Abergel.

Waddamada ay ka jiraan maktabadaha noocan ah waxaa ka mid ah Norway, Denmark, Ingiriiska, Portugal, Hungary iyo Mareykanka.

Sida caadiga ah qofka marka uu maktabadda uu booqdo waxa uu la kulmo waxay ahaan jirtay buugaag tira badan oo halkaasi diyaar ku ah si ay dadku u akhristaan. Balse Maktabaddan adeegga ay bixiso makatabadihi la yaqaannay nidaam ka duwan ayey la timid.

Adeegga Maktabadda:

  • Maktabadda waxaa dhex yaalla kuraas iyo buugaag badan oo loo diyaariyey dadka maktabaddaasi soo booqanaya.
  • Saacadaha ay maktabaddu furan tahayna dhexdeeda waxaa diyaar ku ah dad mutadawiciin ah oo buugti la akhrinayey beddelay
  • Goobo looga talagalay iney dadku si gooni-gooni ah iyo jamacba ay ugu kulmaan
  • Dadka maktabadda ku suganna oo la weydiin karo su’aal kasta oo adag oo uu qofku jawaab u waayey
  • Wuxuuna qofku maktabadda imanaya soo bandhigi karaa dhacdooyinka takoorka uu la kulmay
  • Qofka inaan muuqaalkiisa sare lagu qiimeyn ee dadnimadiisa lagu qaddariyo waa farriinta ugu muhiimsan oo loo gudbinayo dadka adeegga ay maktabadda bixiso u imanaya

Qofka marka uu maktabaddaasi yimaaddo shaqaalaha wuxuu u sheegaya waxa uu u baahan yahay. Tusaale ahaan haddii uu doonayo hal qof inuu la kulmo si uu ula wadaago buug uu soo akhriyey ama waxa uu doonayo wuxuu dadka maktabadda ku diyaarsan uu kala soo baxayaa qofka uu jecleysto rag iyo dumar wuxuu doonaba ha ahaadee.

Ronni Abergel, aasaasaha maktabaddan
Ronni Abergel, aasaasaha maktabaddan

Kaddib waxay isla tagayaan goob ay laba kursi yaalliin oo maktabadda dhexdeeda halkaa ayuu qofki adeegga doonayey su’aal iyo wixi kale uu rabo oo ku saabsan buug uu soo akhriyey uu ku weydiinayaa.

Waxaa sida oo kale qofka loo oggol yahay qof ka badan inuu la kulmo si sheekada ay wadaagayaan ay u noqdaan kuwa ka balaladhan kulanki labada qof.

 

Dadka mutadawiciinta ee maktabadda ku suganna waxaa waajib ku ah iney dadka maktabadda adeegga u soo doonanaya ay u adeegaan wax kasta oo ay weydiiyaanna ay uga jawaabaan ayna dhibsan dulqaadna muujiyaan.

Haddii uu qofka macamiisha ah uu arrin ama sheeko uu qofka mutadawaca u la wadaagayo wax ka baxsan buugga uu soo akhriyeyna waa inuu ka dhageystaa intey doontaba ha ku qaadatee.

Laba haween ah oo maktabadda ku wada sheekeysanaya
Laba haween ah oo maktabadda ku wada sheekeysanaya

Xataa qofka waxa uu sheegaya ama uu ka sheekeynayo haddii uu dhibsanayo wuxuu ku qasban yahay inuu dhageysto oo qofka macamiilka rabitaankiisa uu ka hor iman.

Sida oo kale dadka mutdawiciinta ah wada sheekeysiga ay qofka kale kala yeelanayaan buug uu soo akhriyey kuma koobno oo keli ah, balse iyaguna marka fursadda la siiyo ama laga codsado arrimahooda wey uga sheekeyn karaan si uu qofka kale wax uga korarsado.

 

“Waxaan maktabaddan u sameynay waxaa jira dad badan oo ciriiri iyo kelinimo dareemaya oo aan haysan cid ay dareenkooda la wadaagaan, marka annaga oo arrinkaa maanka ku hayno ayaan maktabaddan aasaasnay runtina hadafki aan ka laheenna waxaad mooddaa inaan ka gaarnay uu mira dhal noqday,” ayuu yiri Ronni Abergel.

.
 

Fikirka Maktabaddan oo aan soo billaabay xilli hore 2013-kii ayaan diiwaan geliyey isla-markaana ka dhigtay shaqadeyda maalinlaha,” ayuu yiri.

Labada qof ee kulmeysa qofka mutadwaca ah ee maktabadda ku diyaarsan iyo qofka macamiisha ah waxay soo qaadayaan buug ay labadooduba soo akhriyeen kaddib halkaa ay adhaahdooda buugga ku saabsan iyo tan shaqsigaba isku dhafsanayaan.

 

Urur ay ku bahoobeen Maktabadaha dadka nool ay ku diyaarsan yihiin ee ‘Human Library’ loo yaqanno waxay sanad walba qabtaan iisu imaadyo waaweyn oo ay dad badan ka soo qayb galaan.

Sesión de lectura

Maktabadaha noocaan ah tani iyo marka la aasaasay waxay sahleen iney dadku ku dhiirrageliyaan buugaagta iney iibsadaan isla-markaana wixi ay akhriyeen ay keligood isku koobin oo ay dadka la wadaagaan.

Waxaa sida oo kale maktabadda dhex yaallo sabuurad buugaagta laga dooday ama dadka ugu badan ay soo akhriyeen mutadawiciinta lagala sheekeysan lahaana ay diyaar yihiin.

Mutadawiciinta maktabaddana shaqooyinkooda maalinlaha ah inta ay qaban waxaa wacyigelin iyo fikir ay ka duulaanba siinaya khabiir maktabadda ku diyaarsan.

Astaanta Maktabadaha noocan ah
Astaanta Maktabadaha noocan ah

Waxaana qof kasta oo mutadwac ah laga filayaa kulankaasi wacyigelinta inuu ka qayb galo.

“Waxa ugu muhiimsan waa inaan isfurfurno oo aan ka hadalno khilaafaadkeenna, in aan bannaanka u soo saarno dhibaatooyinka na haysto ee aan qarsaneyno, inaan raadinno waddo aan dhibaatooyinkaasi kaga bixi karno horayna ugu soconno, haddii kale waxa aan ku noolaaneynaa noola neceyb iyo quus ku saleysan,” ayuu yiri Ronni Abergel.

 

Xog uruurin la sameeyey 2021-kii waxaa lagu ogaaday in maktabadahan ay dadku aad u soo dhaweynayaan una xiiseynayaan, iyada oo dadka xog ururintaasi ka qayb qaatay ay aad u bogaadiyeen shaqsiyaadki lahaa fikirka maktabaddan.