Writen by Qaran News |

Hargeysa,(Qaran-news)- Caawa abaara Labadii haybaynimo ayaa waxa uu dagaal dhex maray ciidanka booliska iyo sarkaal sare oo ka tirsan laanta socdaalka ee Somaliland dagaalkaasi oo in mudo ah socday kana dhacay kaalinta sideedaad ee ku taala wadad madaarka Hargysa qabta ama ka sii jeedka dhanka koonfureed ee iskuulka Maxamuud Axmed Cali.

Waxana ciidanka booliska oo ku sugnaa kaalinta sideedaad soo weerary Ganshanle Yuusuf Daanyeero oo ka tirsan ciidnka socdaalka Somaliland, waxana ay dad goob joog ahaa noo sheegeen in weerarkaasi uu ka danbeeyay kadib markii kaalintaasi ay xukumadda Siilaanyo bixisay oo ay ka iibisay shirkada Star, taasi oo sababtay in mashaqadani ay caawa dhex marto sarkaalkaasi hubaysnaa iyo ciidanka booliska oo iyagu goobtaasi difaacaayay, waxana jira dareen xoogan oo dad weyne aad u tiro badan ka cadhaysiiyay kadib markii goobtaasi sida la sheegaayo uu fasaxay wasiir Cali Mareexaan oo ah wasiirka hawlaha guud, dad goob joog ahaa oo iyana ka warbixiyay ayaa sheegaaya in shirkada Star ay dad goobtaasi deganaa in mudo ah ay lacag u celisay isla markaasina ay xukumadda hoos kala heshiiyeen sidaasina goobtaasi lagu fasaxay.

Waxana caawa goobtaasi uu sarkaalka soo weeraray uu ku dhaawacay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska oo kala ah taliyahii saldhiga Qudhacdheer kabtan Cabdi Kayd Halab iyo dable Siciid Koore, waxna laga dayrinyaa xaalada mid ka mid ah labadaas sarkaal oo ay caloosha kadhacday xabadi isla markaasina ay dhabarka ka booday xaga kale uu kaga jiiday bodyaha oo uu dhiigbaxay loolana cararay cisbitaalka oo hada xaaladooda lagu daawaynaayo, waxna goobtaasi ka baxsday ninka weerarka gaystay oo aan ilaa hada la haynin waxna heegan culus la galiyay ciidamada booliska iyo kuwa malatriga ee caasimada waxna ay ciidmadu raacdaynayaan sarkaalaasi weerarka gaystay.

Xukumadda Siilaanyo ayaa ah xukumaddii dalka soo martay ee ugu xaraashka badnayd ee faasaxda goobaha mihiimka ah ee caasimada iyo gobolada kale ee dalkaba iyada oo guryaha iyo goobaha mihiimka ah ee dawladu ay faasaxday ay kor u dhaafayaan kun ayaan hore mashaqadani oo kale uga dhicin