Writen by Qaran News |

Madaxtooyada Somaliland Oo Caawa Kulan La Qaadatay Saxaafada Sheegtayna In Berrito Lagu Dhawaaqi Doono Natiijadii Doorashadda.

 

Hargaysa, (Qaran-news)-Madaxtooyada Somaliland ayaa Caawa isugu yeedhay Warbaahinta magaalada Hargaysa,islamarkaana ku wargalisay in maalinta berito ah lagu dhawaaqi
doono Natiijadii Doorashada madaxtooyada Somaliland kuna guulaystay Xisbiga Kulmiye,Sidaasdarteed waxaan idiinkuu yeedhnay inaad nala shaqaysaan .

Xubnaha Wasiirada ee Warbaahinta Kulankan la qaatay ayaa waxa ka mid ahaa Wasiir Cadaani,Qabo,Maxamuud Xaashi,Cukuse,Arimaha Gudaha, Amina Waris, wasiir Samsam, Bashe Cawil, iyo gudoomiaha maxkmada sare Adan Xaji Cali
Arintan waxay muujinaysaa in Guddiga Doorashooyinka ay maamulayso Xarunta Madaxtooyada iyo xukuumadu,waxaana taas u markhaati ah kulankan ay caawa isugu
yeedheen warbaahinta iyo ku wargalida dhawaaqa natiijada doorashada,waana hawshii komishanka doorashooyinku ay lahaayeen ama qaban lahaayeen.

Waxaana hubaal ah in guddiga doorashada Somaliland ay noqdeen kuwii ugu liitay ee soo mara Somaliland,masuulna ka noqon doona waxkasta oo dalka ka dhaca,madaama
ay noqdeen kuwo gabay dhaartii ay ummada u qaadeen.