Ciidan xoogan oo lagu saaray Hotel ku yaala bariga Hargeysa oo ay ku shirayeen beesha Isaxaaq Care shirkaasi oo lagu taageeraayay shirka Garxajis ee ka qabsoomaaya magaalada Burco.

Shirkani ay xukumadu ku sàartay ciidanka ayaa ka dhacaayay Hotel Qurtuba oo ka soo hor jeeda Amal Hospital.

Markii odayadii iyo qaar ka midah hogaamiye dhaqameedka iyo dadweyne badan oo ka mid ah beesha Isaxaaq loo diiday in ay ku shiraan Hudheelka waxa ay shirkii ula wareegeen beer ku taala Dooxa Hargeysa halkaasi oo ciidankiina kaga dab tageen odayaalna ay ciidanku ku qaateen baabuur.

Doraad ayaa shir lagaga soo hor jeedo shirka Burco ay qaar ka mid ah beesha Isaxaaq ku qabteen magaalda Hargeysa shirkaasi oo ay xukumaddu tageeraysay.

La soco wixii kaa soo kordha