Writen by Qaran News |

War-degdega:Dagaal ka qarxay Degaanka Ceel-afweyn & Ciduhu u dhexeeyo

Ceerigaabo-(Qaran-news)-Wararka naga soo gaadhaya Degaanka Dhidin ee Ceel-afweyn ayaa tibaaxaya in Dagaal laysu adeegsanaayo  Rasaasta qoryaha Daranoodiriga u dhacaa ka qarxay degaankaas saaka goor hore.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya Beelaha Sacad Yoonis iyo Biciido oo dhawr jeer iska horimaad degaanada Ceelafweyn ku dhexmaray, khasaare balaadhan oo dhaawac & Dhimasho isagu jirana sababay.

Xukumada Kornayl Muuse Biixi ayaa ku fashilantay inay xal u heshoo dagaalkaas,inkastoo xukumada lafteeda lagu eedanayo inay qeyb ka tahay hurinta Colaada deganadaas ka oogan.

Geesta kalena Wasiirka Daakhiliga Somaliland Kornayl Maxamed Kaahin oo ka soo jeeda Beelaha Dagaalamaya Midkood,halkaasna muddo ku sugnaa sii u soo afjaro qadiyadaa ayaa u maaro waayey inuu xal ka gaadho colaadaa.