War ka soo kordhay Gabadhii uu hoggaamiyaha Al-Qaacidda u soo diray farriinta ammaanta ah

Muskan Khan
Muskan Khan
Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa la isla dhex marayaa warar soo cusboonaaday oo ku saabsan gabadh u dhalatay Hindiya oo horay loogu bartay muuqaal laga duubay xilli jaamacaddeeda laga hor istaagay inay gasho iyadoo xijaab xiran.

Muuqaalkaas ayaa laga arkayay gabadhan oo markii rag ka gadoodsanaa xijaabkeeda ay hareereeyeen ku dhawaaqaysa “Allahu Akbar”.

Muskan Khan ayaa hadal haynta caalamka sii qabsaday kaddib markii uu hoggaamiyaha Al-Qaacida oo in muddo ah aan warkiisa la maqlin uu soo duubay muuqaal uu iyada ku amaanayo.

Maxaa soo cusboonaaday?

Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka Hindiya iyo bogag badan oo baraha bulshada ah ayaa tabiyay in Muskan Khan ay ka tagtay Hindiya iyadoo aan wargelinin booliska.

Waxa xitaa dadka qaar tabinayaan hadallo lagu qeexay “cunsuriyad” kaddib markii ay ku eedeeyeen Muskan in ay u baxday si ay ula kulanto “argagixisada”.

Ayman al-Zawahiri ayaa goor sii horraysay soo diray muuqaal uu ku ammaanay Muskan
Ayman al-Zawahiri ayaa goor sii horraysay soo diray muuqaal uu ku ammaanay Muskan

Shabakad Youtube ah oo lagu magacaabo “Capital TV” ayaa lagu shaaciyay war ku saabsan in Muskan Khan ay u safartay waddanka Sacuudiga, halkaasoo ay u raaceen qoyskeeda, sida uu sheegay wargayska Alt News ee kasoo baxa Hindiya.

Waxa uu kanaalku sheegay in qoyska ay heleen dhaqaale ay safarka kharashkiisa isaga bixiyaan.

Balse ma jiraan warar kale oo madax bannaan oo xajiininaya meesha ay ku dambaysay gabadha ardayadda ah.

Inkastoo qiyaastii hal bil la isla dhex marayo wararkan haddana ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday gabadha iyo qosykeeda toona.

Muskan Khan

Waxa kaliya ee la ogyahay waa in gabadhan qoyskeeda ay dhowr bilood ka hor ku gacan sayreen farriinta ka timid hoggaanka al-Qaacida ee gabadhooda lagu ammaanayay.

Muxuu xilligaas yiri Ayman al-Zawahiri?

Ayman al-Zawahiri oo muddo dheer aan laga warhaynin, dadka qaarna ay u haysteen inuu geeriyooday ayaa isbuucan si lama filaan ah muuqaal amaan ah ugu soo diray Muskan Khan, oo ah ardayad Hindi ah oo kasoo jeedda gobolka Karnataka.

Waxa uu ku bogaadiyay ficilkeedii caanka noqday ee ay ku wajahday dad ku mudaharaadayay Xijaabkeeda, iyadoo laga soo duubay muuqaal ay koox rag ah ku cabsi galinayeen. Muskan ayaa raggii ku soo xoomay ku qaylisay iyadoo dhahaysa “Allahu Akbar”.

Ayman

Hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa arrintaas ay Muskan samaysay la dhacay, waxa uuna sheegay in ay tahay “haweeney sharaf leh”.

Cajaladda uu soo diray Zawahiri, ayaa ciwaan looga dhigay oraah micnaheedu yahay “Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya”.Ayman al-Zawahiri ayaa muuqaalkan xushmad weyn ugu muujiyay heerka Muslimnimada ee Muskan Khan.

Jawaabta aabeheed

Maxamed Xuseen Khan, oo ah ninka gabadha dhalay, ayaa al-Qaacida ka codsaday in ay amaan siiyaan isaga iyo qoyskiisa.

Jawaabtiisa oo hadalhayn aad u xooggan dhalisay ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Aaabahan ayaa farriinta uu al-Zawahiri usoo diray gabadhiisa ku tilmaamay arrin “khalad” ah.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu Xuseen sheegay “in qoyskiisa ay Hindiya dhexdeeda ugu nool yihiin si nabad ah, haddana aysan doonaynin in “si aan loo baahnayn indhaha loogu soo jeediyo”.