Waddamada Caalamka ayaa bilaabay in ay diblomaasiyiintooda iyo muwaadiniinta ka soo daadgureeyaan dalka Suudaan, ka dib markii ay fashilantay xabbad-joojin ciidda loogu talogalay oo ay gaadheen ciidamada Suudaan iyo ciidanka Birmadka-degdegga ah ee RSF.
Dalalka Mareykanka, UK, Faransiiska & Shiinaha ayaa bilaabaya in ay dadkooda ka soo qaataan Suudaan, halka Sucuudi Careebiya ay dadkeeda iyo dadka dalalka ay saaxiibka yihiinba soo gurayso.
Soomaaliya ayaa dhakeeda sheegtay inay soo daadgureysay arday dalkaas wax ku baranayey, hayeeshee dad badan oo shacab ah oo kale ayaa dagaalku ka dul dhacay o aan haysan baro-bixin.
Garoonka caalamiga ah ee magaalada Khartoum ayaa loo xidhay rabshadaha, iyadoo safaaradaha shisheeye – oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK – aysan awoodin inay muwaadiniintooda keenaan dalkooda.
Dagaal waddooyinka la isku eryanayo ayaa ka qarxay magaalada caasimadda ah ee Khartoum, 15-kii Abriil kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya hoggaamiyeyaasha labada dhinac – General Burhaan iyo RSF-ta Mohamed Xamdan “Hemedti” Dagalka – oo ku saabsan sidii Suudaan loo maamuli lahaa.
Labaduba waxay jagooyin sare ka soo qabteen dawladda milatariga ah ee Suudaan ee hadda jirta, taas oo la dhisay ka dib afgambigii 2019 ee xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayey dalkaas Cumar Al-Bashiir.
Waxay ahayd in ay ciidamadooda isku daraan balse RSF-ta ayaa is-hortaag ku sameysay isbeddelkan, iyagoo soo abaabulay ciidamadooda taasoo isu beddeshay dagaal toos ah todobaadkii hore.
May be an image of map