Wararkii u danbeeyay ee Dagaalka Tan & Xalay ka socda Hotel Xayat Muqdisho+Tirada Dhimashada & Dhaawaca

Waxaa saaka weli rasaas goos goos ah laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, Ciidamada ammaanka ayaa la soo sheegayaa inay weli dagaal ay kula jiraan raggii xalay weerar ku qaadday hotelka Xayaat ee ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 15 qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.
Xalay ayaa gudaha hotelka Xayaat waxaa laga soo badbaadiyay caruur, dad shacab ah iyo masuuliyiin kale.
Ilaa iyo hadda lama oga tirada raggii weeraray hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ku bilowday qaraxyada ah ee xalay lagu qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho