Writen by Qaran News |

Afhayeenka gudiga doorashooyinka mudane Siciid Cali Muuse ayaa hakad galiyay dib u tirintii cododka degmada Gabiilay kadib markii la helay dhowr saynduuq oo laga soo buuxiyay codad foojari ah oo ka yimid Gabiilay, arintaasi oo argagax ku riday gudiga doorashooyinka iyo goob joogayaashii meesha ku sugnaa ee ka socday xisbiyada gaar ahaan kuwii ka socday xisbiga Waddani oo sida fiinta uga qayliyay is hortaaga Siciid Cali Muuse, buuq arintaasi ka dhashay ayaa xisbiga Waddanina joojiyeen tirinintii codadka Hargeysa oo iyana la waday, waxna ay sababtay in gabi ahaanba ay shaqadii sidaasi ku istaago.

Wada xaajood iyo is qancin mudo socotay waxa lagu heshiiyay in tirintii codadka halkoodii laga sii wado maalinta bari ah, waxana jira ilaa hada in la helay codad aad u tiro badan oo Foojari ah oo xisbiga Kulmiye looga soo buuxiyay magaalooyinka Gabiilay iyo Hargeysa arintaasi oo sii xoojisay tuhunkii hore u jiray ee ay qabeen shicibka Somaliland oo ahaa ku shubasho xad dhaaf ah.

Waxana jira warar kale oo soo baxaaya oo sheegaaya in xisbiga Kulmiye waraaqo foojari ah oo badan uu kaga soo shubtay gobolada kale ee dalka oo ay ugu horeeyo gobolka Awdal

La soco waxii arimahaasi ka soo kordha.