Wararkii u dambeeyey Dagaalka Suudaan & Cabsi laga qabo Hal Arrin+Sawirro

Ciidamada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya Suudaan ayaa midba midka kale ku eedeeyay jebinta xabbad joojin cusub Axaddii maanta iyadoo iska horimaadkooda dhimashada badan sababay uu sii socday toddobaadkii saddexaad xilli laga digayo colaada Sudan inay isu bedesho dagaal sokeeye oo daba dheeraada.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay kumanaan kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii uu dagaal la xiriira loolan awoodeed uu ka dhex qarxay ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada degdegga ah ee RSF 15-kii Abriil.

Labada dhinacba waxay sheegeen in heshiis xabbad-joojin ah saqda dhexe ee habeenimo lagu kordhin doono 72 saacadood oo dheeraad ah, tallaabadaas oo RSF ay ku sheegtay “in ay jawaab u tahay baaqyada caalamiga ah, gobolka iyo kuwa maxalliga ah”.

Ciidamada milateriga ayaa sheegay in ay rajeynayaan in waxa ay ugu yeereen “falaagada” ay u hogaansami doonaan heshiiska balse ay aaminsan yihiin inay damacsanaayeen in ay sii wadaan weerarada.

Xaalada magaalada Khartoum oo ay ciidamadu kula dagaalamayeen kuwa RSF-ta ayaa saaka oo Axad ah ahayd mid degan, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, kadib isku dhacyo culus oo fiidnimadii Sabtida laga maqlay meel u dhow bartamaha magaalada.

Ciidanka ayaa sheegay in Axadii ay burburiyeen kolonyo ay la socdeen ciidanka RSF-ta oo ku sii jeeday magaalada Khartoum. RSF waxay sheegtay in ciidanku ay u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarado dagaal si ay u weeraraan fariisimaha ay ku leeyihiin deegaano badan oo ka tirsan Khartoum.

Dagaalka Khartoum ayaa ilaa hadda la arkayay ciidamada RSF-ta oo isku dayaya iney isku balaariyaan magaalada oo dhan iyadoo ciidamadu milaterigu ay si weyn u beegsanayaan iyagoo adeegsanaya duqeymaha dayuuradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa dagaalka.

Colaadda ayaa keentay in tobanaan kun oo qof ay ku cararaan xudduudaha Suudaan, waxaana laga digay in dalkaas uu lugaha la galo dagaal sokeeye oo khalkhal gelinaya xasilloonida gobolka.

Rajada wada xaajoodka labada dhinac ee Sudan ayaa u muuqatay mid mugdi ah. “Ma jiraan wax wada xaajood ah oo toos ah, ” ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Volker Perthes oo la hadlay warfidiyeennada ku sugan magaalada Port Sudan, isagoo intaas ku daray in dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ay la shaqeynayaan labada dhinac.

Perthes, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inuu rajaynayo in kulan toos ah uu dhexmaro wakiilada dhinacyada sida ugu dhaqsaha badan kaasoo looga dan leeyahay in lagu “gaaro xabbad joojin habaysan oo leh hab kormeer ah.

Hogaamiyaha ciidamada General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in uusan marnaba la fariisan doonin madaxa RSF General Mohamed Hamdan Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaano Hemedti, kaasoo isna dhankiisa sheegay inuu wadahadalka ogolaan doono kaliya marka ay ciidamada milaterigu joojiyaan dagaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan oo dowladdiisu ay qeyb ka qaadatay dhexdhexaadinta xabad joojinta ayaa Riyad kula kulmay ergayga Burhaan Daffalla Al-Xaj Cali, wuxuuna ugu baaqay in la dejiyo xaalada, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

Waxaa sii kordhinaya cadaadiska diblomaasiyadeed, madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheikh Mansour bin Zayed oo telefoon kula xiriiray Burhaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.

Iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in kaliya 16% xarumaha caafimaadka ee Khartoum ay u shaqeeyaan si caadi ah, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa gaarsiisay 8 tan oo gargaar caafimaad ah.

“Shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee Suudaan waxay sameynayaan wax aan macquul ahayn, iyagoo daryeelaya kuwa dhaawaca ah xili aysan jirin biyo iyo koronto iyo waliba sahayda caafimaadka aasaasiga ah oo gabaabsi ah,” ayuu yiri Patrick Youssef, agaasimaha gobolka ICRC ee Afrika.

Laakin intii la oggolaaday in sahaydu ay aaddo Khartoum, isbitaallada, kolonyada iyo ambalaasta ayaa lagu weeraray ayuu yiri.

Ugu yaraan shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa lagu dilay dagaalka.

Saddex meelood meel 46 milyan oo qof oo reer Sudan ah ayaa u baahnaa gargaar bini’aadanimo ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

Khilaafkan ayaa waxa uu meesha ka saaray isbedel siyaasadeed oo caalamku taageeray, kaas oo lagu doonayay in lagu soo dhiso dawlad dimuqraadi ah oo ka dhacda Suudaan, halkaasoo madaxweynihii hore ee ismaamulka Cumar Xasan Al-Bashiir la afgambiyay 2019 ka dib soddon sano oo uu xukunka hayay.

Ugu yaraan 528 qof ayaa ku dhintay 4,599 waa ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka sudan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiro la mid ah ay ku dhinteen balse ay rumeysan tahay in khasaaraha dhabta ah uu intaas ka badan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia