Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku bur burtay Madaarka Muqdisho+Sawirro
Diyaarada oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa markii ay soo dageysay garoonka Aadan Cadde la sheegay in dhulka ku dhufsatay mid kamid ah baalayaasheeda sidaana ku burburtay.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in diyaarada dab qabsaday markii ay dhulka ku dhacday, waxaana kooxaha gurmadka degdeg ee ku sugnaa garoonka u gurmadeen rakaabkii diyaarada saarnaa iyo shaqaalihii la socday diyaarada.
Ciidamada Dabdamiska ayaana ku guuleestay in ay damiyaan dabkii ka kacay diyaarada markii ay dhulka ku dhacday, waxaana diyaarada noqotay mid si weyn u burburtay oo saameyn xoogan ku yeeshay shilkan.
Diyaarada shilka ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo kasoo duushay magaalada Baydhabo aya asiday 33-qof oo rakaab ahaa, lamana oga ilaa hada waxa sababay shilkan diyaaradeed.