Writen by Qaran News |

Wararkii ugu Danbeeyay Suldaan wabar iyo Goobta uu hada ku sugan yahay + Dhiilada Dawlada Somaliland ma kadhabaa mise waxba u dheer

Waxaa dhawaan hadal hayntiisu badnayd inuu soo rogaal celiyay Suldaanka Guud ee Beesha Jibriil Yoonis Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar oo hore dagaal ka dhan ah Somaliland u Iclamaiyay una talaabay xadka Ethoipia kaas oo uu ku lahaa dagaamo ay cidamo isaga taageera daganayen kaas markii danbe heshiis dhex maray dawlada Somaliland iyo Ethopia sobobay inuu kacdoonkaasi hoos u dhaco suldaankuna dib uga ruqaansado fadhiisimadii uu ku lahaa Xadka labada Dal maleeshiyadiisiina qaarkood lagu soo dhaweeyay Somaliland kaas oo uu gadhwadeen ka ahaa soo xero galintiisa M\xigeenkii Hore C\raxamaan aw cali faarax

 

Hadaba waxaa laba maalin ka hor warbaahinta siiyay waraysi taliyaha Booliska Awdal kaas uu ku cadeeyay inuu suldaanku soo gaadhay xadka labada dal xadkana kasoo gudbin war intaa ka badana aanay ka helin sidaa darteed warsidaha Subulahanews ayaa ka dib xidhiidh la sameeyay wariyeha uga Soo warama dagamaada HARAWO Wariye C\rashiid wuxuuna noo cadeeyay inuu suldaanku soo gaadhay fadhiisimadiisii hore booqashana ku tagay magaalooyinka Lafaciise,Gogti Iyo magaalada Dharwanaaje oo uu ku soo danbeeyay fadhiisinkisii ugu danbeeyayna ahayd, waxaa kale oon waydiiyay bal inay ciidamo iyo gawaadhi Tikninko ah  wateen iyo wuxuu darnaa socdaalkiisu

Wuxuu sheegay inaanu suldaanku wadan wax ciidan ah iyo wax gawaadhi dagaal midna hadaanse laga tagin waxaa la socday laba Sargaal oo ciidamada Dharcadka lagu sheegay iyo Turjumaan la socday waxaanse jirin cid wax kale ka sheegi kartaa waxa uu daarnaa socdaalku wuxuuse wariyeuhu kusoo gabagabeeyay inuu suldaanku iman karo dagaanka madaama uu yahay suldaanka Ethoipia iyo Somaliland labadaba yahay  sidaas darteed dadku ma sharaysan socdaalkiisa suldaakuna wuxuu ku noqday meeshii uu ka yimiday wuxuuna hada ku sugan yahay Diridhaba

Sidaa darteed hadaba dareenka somaliland ayaa ka duwan ka dadka reer Harawo qabaan kaas oo ay Buunbuuniyeen Suldaan dhulkisii iyo dadkiisii soo booqday lana moodo inay waxkale u dheeryihiin arinkooduna yahay baroortu orgigaga ka wayn kaas oo ay uga dan leeyihiin inay ku shaabadeeyaan beelaha uu ka soo jeedo ee makaahiil oo dhabarka u jeediyay xisbiga kulmiye sidaa dareetdna malaha ay rabaan inay ku shaabadeeyaan waa qaran dumis Beesha makaahiil sidii hore u dhacdayna jeelasha ka buuxiyaan