Warbaahinta oo loo diiday inay muqaalo ka duubaan soo-dhawayn Madaarka Hargeysa loogu sameeyay Ex-M/weyne Daahir Riyaale

Riyaale, oo maanta dib ugu soo laabtay Hargeysa ayaa markii dambe gurigiisa kula hadlay Warbaahinta isagoo sheegay in xukuumadda la waydiiyo sababta Saxaafadda loogu diiday.
Daahir Riyaale Kaahin, oo ah madaxweynihii ku suntanaa nidaamka Doorashooyinka Somaliland ayaan faah faahin dheer ka bixin suurtagalnimada in uu ka qayb-qaadanayo siyaasadda Somaliland ee hadda.
Diidnimada la sheegay in Garoonka Hargeysa loo diiday in uu warbaahinta kula hadlo ayaa ku soo beegmaysa isagoo dhawaan eedeeyay xukuunadda Kulmiye.