Warbixin Caalami ah oo ay soo saartay Horn Business Insights ayaa iftiimisay doodaha diblumaasiyadeed ka curtay fagaarayaasha siyaasadeed ee caalamka, kuwaasi oo muujinaya xiisaha sii kordhaya ee la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan gudaha dalka Maraykanka iyo saameynta aqoonsiga Somaliland ku yeelan karto gobolka Geeska Afrika.
Warbixinta oo ciwaan looga dhigay ma waxaa la gaadhay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee Somaliland ay aqoonsan lahayd dawladda Maraykanku, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaantay Jasiirad nabdoon oo ka dhex ifaysa gobol ay hadheeyeen qalalaase siyaasadeed iyo amni darro baahsan, iyada oo falanqaynteeda ku saleynaysa guulaha ballaadhan ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay tan iyo 1991-kii.
Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee warbixintan lagu xusay ayaa ah muhiimadda juquraafi ee Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera, iyada oo xustay in horumarka ballaadhan ee Berbera uu u muuqdo beddelka saldhigga dawladda Maraykanka ee Jabuuti, xili ay Jabuuti martigelinayso saldhig milatari oo Shiinuhu leeyahay, taasoo keentay walaac dhinaca amniga ah. Waxay iftiimisay in Dekedda Berbera oo leh marin biyood istaraatiiji ah iyo garoon diyaaradeed oo casri ah ay siin karto Maraykanka fursad weyn oo uu ku xaqiijiyo amniga marinada ganacsi ee caalamiga ah.
“Berbera waxay Maraykanka u noqon kartaa beddelka Jabuuti, maadaama uu loolan xooggan ka jiro Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, halkaas oo khataraha ururrada xagjirka ah iyo budhcad-baddeedu ay khatar ku yihiin amniga marinadan muhiimka ah u ah ganacsiga adduunka. Jabuuti oo Maraykanku hadda ku leeyahay saldhig weyn oo milatari ayaa martigelisa saldhigga Shiinaha, taasoo dhalisay walaac amni. Berbera oo leh madaar weyn iyo deked istaraatiiji ah, waxay Maraykanka siin kartaa awood uu ku xaqiijiyo amniga marinnada ganacsiga caalamiga ah.”
Sidoo kale waxa lagu xusay warbixintan “Falanqayntani waxay soo bandhigaysaa dood cusub oo ka dhex aloosan fagaarayaasha siyaasadda caalamka: In ka badan soddon sanno Somaliland waxay dhistay dawladnimo dhammaystiran oo ku dhisan nabad iyo dimuqraadiyad, Sidoo kale waxay iftiiminaysaa sida aqoonsiga Somaliland aanu u ahayn oo keliya arrin bani’aadamnimo, balse uu u yahay go’aan saameyn weyn ku leh loolanka quwadaha adduunka (sida Maraykanka iyo Shiinaha) iyo xaqiijinta amniga marinka muhiimka ah ee Badda Cas. Waxaynu eegi doonaa fursadaha istiraatiijiga ah ee ku gedaaman aqoonsigaas iyo in khariidada Afrika dib loo sawiro.”
Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay in Somaliland ay sidoo kale hodan ku tahay khayraad dabiici ah oo muhiim u ah tignoolajiyada casriga ah ee adduunka, sida macdanta Lithium iyo Coltan, kuwaas oo muhiim u ah soo saarista baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya. Arrintaasi oo ah mid istaraatiiji ah oo Somaliland ka dhigeysa xubin muhiim u ah oo tartanka ka dhex jira Maraykanka iyo Shiinaha ee Afrika, iyadoo aqoonsiga JSL uu Maraykanka siinayo awood uu ku xakameeyo saamaynta Shiinaha.
Warbixintu waxa kale oo ay intaasi raacisay “Somaliland waxay dhistay hanaan dawladnimo oo dhammaystiran laga soo bilaabo 1991-kii. Maqaalku wuxuu iftiiminayaa in inkasta oo aan Somaliland laga helin khariidadaha adduunka, haddana ay leedahay dhamaan sifooyinka dawladnimo: lacag u gaar ah, ciidamo ammaan oo suga nabadgelyada, iyo hanaan doorasho oo dimuqraadi ah. Waxa xusid mudan in qaabka ay Somaliland isugu xidhay nidaamka dhaqanka bulshada iyo dimuqraadiyadda casriga ah ay tahay tan keentay midnimada qaranka iyo xasiloonida ka soocaysa deriskeeda.” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Warbixintu waxay muujinaysaa in go’aanka aqoonsiga Somaliland uu yahay tallaabo diblumaasiyadeed oo leh miisaan culus oo ku dhisan faa’iidooyin istiraatiiji ah. Iyada oo xukuumadda Somaliland ay soo bandhigtay caddeymo xooggan oo ku saabsan dawladnimo iyo xasilooni buuxda, “Warbixintan waxaynu si qoto dheer diirrada ugu saaraynaa doodaha soo soo kordhayay muddooyinkii u dambeeyay ee ku aaddan aqoonsiga Somaliland, gaar ahaan kaalinta uu Maraykanku ku yeelan karo isbeddelkan. Waxaynu soo bandhigaynaa sida Somaliland ay u tahay “jasiirad nabadeed” oo ku dhex taal gobol qasan, sidoo kale waxaynu is barbar dhigaysaa guulaha ay gaadhay 30-kii sanno ee la soo dhaafay iyo caqabadaha dublamaasiyadeed ee hortaagan. Su’aasha udub-dhexaadka u ah falanqayntan ayaa ah: Miyay mudan tahay in la beddelo nidaamka caalamiga ah si loo aqoonsado guulaha Somaliland?”
Axmed M. Saleebaan





