Warbixin uu qoray Wargeyska Washington Examiner, oo si weyn loogu lafo guray dedaallada Aqoonsi raadin ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakiilka Somaliland u jooga mareykanka Bashir Good ayaa u sheegay Washington Examiner in Jamhuuriyadda Somaliland Mareykanka ka doonayso aqoonsi ku dhisan iskaashi iyo maal gelin, balse aanay doonayn gargaar iyo dhaqaale la siiyo.

.Jamhuuriyadda Somaliland, waxay u dabaal degtay 34 sanno oo nabad gelyo, dimuqraadiyad iyo horumar ay ku naaloonaysay. Marka loo eego Soomaaliya, oo la daalaa dhacaysay kacdoon, argagixiso, iyo budhcad-badeednimo muddo tobannaan sano ah, iyada oo muujisay in ay guul gaadhi karto taageero la’aan iyo maal gelin shisheeye.

MMTV