Muuse Biixi Waa La Ga Gar Daranyahay!
Helista, haysashada iyo ka huleelidda awooddu ma hawl yara. Intan oo heer (stages of power) mid walba dhibtiisa goonida ah oo loo maro amma la ga mutto ayuu leeyahay. Dhibaato dhaqaale, mid maskaxeed iyo xataa mararka qaarkood, mid jidh ahaaneed ba waa la ga muttaa; mujtamac aan saraynta sharciga iyo dawladnimada u bislaanin marka ay joogto na, waa ka sii darantahay. Somaliland oo ku disan heshiis caatto ah oo ka dhexeeya beelo si uun wax uun u gu heshiiyay, caalamka intiisa kale na ka go’an, waxa ka dhacay ololayaal awood raadsi, awood haysi iyo awood sii deyn intaba leh, oo weliba soo noqnoqday. Intuba waxa ay ku dhaceen, ku na dhici doonaan sababo ka badan, oo ka baxsan, inta warqadda ku qoran. Mar walba, hadda mar walba, waxa jiray xaqiiqooyin waaqica ka muuqday (factors on the ground) oo si amma si kale u sababaayay in waxa warqadda ku qoran la gu socdo.
Tuur waa la gu sameeyay qashqashaad xoog leh, waanay u shaqaysay kooxdii qashqashaadda wadday. Is la kooxdii Tuur qashqashtay, oo markan Silaanyo ku biiray ayaa Cigaal oo Meesha isa siiyay, oo awoodihii oo dhan gacantiisa ku urursaday, isu abaabulay sidii ay awoodda u ga qaadan lahaayeen. Shirar beeleedyo ayay abaabuleen, xabad iyo dil baana ka dhacay weerarkii Salaadiinta ee Cigaal riixaayay. Aakhirkii iyada oo jiq la is ku yahay, ayuu Cigaal geeriyooday, damaciisii na wuu la dhintay. Dhaqdhaqaaqyo Cigaal la gu ogolaysiinaayo in uu awoodda bixiyo, ama u gu yaraan ku ogolaado in la la tartamo ayay waxaasi ahaayeen.
Rayaale, ka hor doorashadii 2010, olole beelaysan baa la gu kiciyay. Wadasheekaysi dhex maray Daahir Rayaale iyo Malas Sanaawi, oo nuxurkiisa la gu faafiyay warbixin Wikileaks ay ka soo qaadatay Safaaradda Addis Abeba ee Maraykan, ayaa la gu sheegay in Malas uu Rayaale ku yidhi ma ku caawin karno haba yaraatee, hadii aannu ku caawinno na, waxba ma kuu tarayso oo kacdoon beelaysan baa kaa soo hor jeeda, meeshu na waa is ku dhabqaysaa hadii aad ku sii dheganaatid. Xaqiiqada taas ah ee ilaa Malas gaadhay, waxa la gu muujiyay banaan-baxyo Hargeysa ah, buuq saxaafadda ah,iyo baabuur qoryo la saaray dhinaca Burco. Haa, intuba waa jirtay, muraadku na waxa uu ahaa dabcan is la kii uun – in waxa waraaqda ku qoran la ga shaqaysiiyo, sidaas baanay doorashadu ku timid oo Silaanyo na awoodda ku helay.
Sanadihii 2016 iyo 17, Kulmiye dhexdiisa dagaal baa ka socday. Waxa uu ahaa dagaal uu Muuse ku doonaayay waxa waraaqda ku qorani in ay shaqeeyaan. Dagaalkaasi wajiyo badan buu lahaa, waxaana ka mid ahaa hawlgelinta ururkii/kooxdii Jiidali la baxday oo shaqooyin muuqda iyo kuwo aan muuqan ba qaban jiray. Dadaaladooda waxa ka mid ahaa qarxinta bambaanooyin gacan-ku-samays ah, oo la gu tuuri jiray goobo cayiman oo Hargeysa ka mid ah. Bambaanooyinkaas waxa la odhan jiray ‘Shaani’, sababta sidaas loo yidhi na waxa ay ahayd uun in la khafiifiyo micnahooda amma saamayntooda. Laakiin micnahooda iyo saamayntooda midnaba la ma khafiifin karayn – waaqic jira oo la taaban karo ayay ahayd. Ilaa hadda gurigii kooxda Jiidali wuu kiraysanyahay, mararka qaarkood baanu Muuuse laftiisu booqdaa habeenkii.
Intaas waxa dheeraa, Muuse oo Kulmiye Gudoomiye u ah, ayaa saxaafadda ka sheegay in aanay Somaliland ammaan ahayn, oo argagixiso ka shaqaysato, oo weerarkii Jabuuti la gu qaaday la ga soo abaabulay Somaliland dhexdeeda. Hadalkaas dad badan baa ku ceebeeyay, laakiin ceeb ma lahayn haba yaraatee. Muuse dagaal siyaasadeed buu ku jiray, kursi baanu doonaayay. Waxa uu ogaa, oo sax na ahayd, in xeerka qorani aanu keligii shaqaynin. Sideedaba, dawladnimadu inta ay sharci tahay, waxa ka badan inta ay dhaqan bulsho tahay. Saraynta sharciga iyo ku dhaqanka nidaamka dawladnimo waxa uu rabaa u bislaansho iyo ilbaxnimo, sax na ma aha heer aan weli la gaadhin in la is ka moodo in la gaadhay. Tan micnaheedu waxa weeye, qofka u qaba nin awood haystaa, oo ay ka dhaadhacsantahay in uu awooddaas is ka sii haysan karo sharci iyo sharci daro ba, in la ga filo in uu is ka dhiibo, dee waa aragti gaabni. Doorasho aanu hubin waxa ka soo baxaaya, ayaa Muuse la gu maslaxayaa in uu ka qayb galo, dee sax na ma aha. Sidaas darted, ilaa hadda sida ay wax yihiin marka la qiimeeyo, Muuse waa la ga gar daranyahay.