10-ka dal ee ugu qanisan qaaradda Afrika

Africa

Qaaradda Afrika ayaa lagu tilmaamaa iney tahay tan ugu faqiirsan dunida, iyada oo faqiirnimada qaaradda loo sababeeyo dhaqaala aan xasilooneyn, amni la’aan, musuqmaasuq, dagaallo sokeeye iyo falalka argagixisada ee qaaradda ka dhaca.

Haddaba hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka warbixin ay si wadajir ah u soo saareen dabayaaqada 2021-ka waxay ku shaaciyeen 10-ka dal ee qaaraddan Afrika ugu qanisan.

1.    Masar

Cairo

Dalka Masar ayaa noqday waddanka koobaad ee qaaradda Africa oo kobaca dhaqaalaha (GDP) kaalintaa koobaad ka galay sida warbixinta lagu shaaciyey.

Dalka Masar waxsoo saarkiisa sanadkii wuxuu ka helaa dakhli dhan $1.38 trillion oo doolar.

Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 102 malyan oo qof, dhaqaalaha dalkaasina wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, macdanta iyo dalxiiska.

2.    Nigeria

Lagos

Dalka Nigeria oo kaalinta labaad ka galay waddamada ugu qanisan qaaraddan Afrika kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadkii gaaraya $1.14 trillion oo doolar.

Dalka Nigeria oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 206.1 malyan oo qof kaasoo ka dhigaya dalka ugu dadka badan qarradda.

Dhaqaalaha dalka Nigeria wuxuu ku tiirsan yahay Saliidda iyo Beeraha.

3.    South Africa

Johansburg

Dalka Koonfur Afrika oo waddamada ugu qanisan qaaradda Afrika kalinta seddexaad ugu jira kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadkii gaaraya $861.93 balyan oo doolar.

Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 59,899,576, dhaqaalahiisu wuxuu ku tiirsan yahay macdanta gaar ahaanna dahabka iyo kheyraad kale oo dabiici ah.

4.    Algeria

Algers

Algeria oo ah dalka seddexaad ugu qanisan qaaradda Afrika kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $532.57 balyan oo doolar.

Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 44,911,520 dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay Saliidda iyo Gaaska dabiiciga uu dibadda u dhoofiyo.

5.    Morocco

Rabat

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Dalka Morocco oo ku yaalla Waqooyiga Afrika oo kaalinta afaraad ugu jira 10-ka dal e ugu qanisan waddamada qaaradda Afrika dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $302.77 balyan oo doolar.

Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 37,462,423 dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, macdanta iyo dalxiiska.

6.    Ethiopia

Addisa

Dalka Ethiopia oo ku yaalla bariga Afrika kaalinta lixaadna kaga jira waddamada ugu qanisan waddamada qaaradda Afrika dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $298.57 balyan oo doolar.

Dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 115 malyan oo qof dhaqalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay waxsoosaarka Beeraha.

7.    Kenya

Nairobi

XIGASHADA SAWIRKA,NATIONALGEOGRAPHY

Dalka Kenya oo ku yaalla bariga Afrika oo kaalinta toddobaad kaga jira tobanka dal oo ugu qanisan qaaradda Afrika dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $269.29 balyan oo doolar.

Dalka Kenya oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 54,039,625, dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay Beeraha, Dalxiiska iyo Ganacsi furufuran.

Monrovia

XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEIDA

8.    Angola

Dalka Angola oo ku yaalla Bartamaha Afrika oo kaalinta siddeedaad kaga jira tobanka dal oo ugu qanisan qaaradda Afrika dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $217.97 balyan oo doolar.

Dalka Angola oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 35,601,398, dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay Shidaalka iyo Macdanta.

9.    Ghana

Accra

XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA

Dalka Ghana oo ku yaalla Galbeedka Afrika oo kaalinta sagaalaad kaga jira tobanka dal oo ugu qanisan qaaradda Afrika kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $193.63 balyan oo doolar.

Dalka Ghana oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 33,483,283, dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay wax soo saarka warshadaha sida qalabka teknooloojiyadda iyo gaadiidka.

10.   Suudaan

Khartoum

Ugu dambeyn, dalka Suudaan oo ku yaalla Bariga Afrika oo kaalinta tobanaad ka galay 10-ka dal ee qaaradda Afrika uga qanisan kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $189.87, balyan oo doolar.

Dalka Suudaan oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 46,888,316, dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay Shidaalka iyo Beeraha.

Warbixinta waxaa lagu sheegay Qaaradda Afrika oo leh kheyraad aad u badan oo dabiici ah haddana waddamada qaaraddu iney kheyraadkaasi ka faa’ideystaan ay ka hortaagan yihiin dagaallada, musuqmaasuqa iyo xasilooni darrada siyaasadeed oo ay horseedeen arrimahaasi oo isbiirsaday.