Goormaa Tiktok laga saarayaa Telefoonkaaga?

Tiktok

Toddobo maalin ayaa ka dhiman waqtiga loo qabtay in ay ku soo jawaabaan shirkadaha Google iyo Apple oo lagula taliyay inay teleefoonnadooda (suuqyadooda dhijitaalka ah) ka tiraan App-ka Tiktok. Waxaa lagu eedeeyay Tiktok in uu ku xadgudbay xogta gaarka ah isticmaaleyaashiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Federaalka ee Mareykanka Brendan Carr ayaa warqad uu u qoray ku waydiiyay shirkadaha telefoonnada in 8-da bishan Luulyo ay soo kala caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Tiktok.

“Google iyo Apple waxay muddo dheer sheeganayeen inay u howlgalaan hab ilaalinaya xogta gaarka ah ee macaamiishooda. Sidaas daraaddeed waxaan idinka codsanayaa in aad Tiktok ku dabaqdaan siyaasaddiinna oo aad ka masaxdaan suuqyadiinna dhijitaalka ah ee App Store iyo Google Play Store, maaddaama ay u hogaansami waayeen siyaasadahaas.

“Haddii xilligaas ka hor aad tiri waysaan, fadlan jawaabo gaar gaar ah i soo siiya ilaa siddeedda Luulyo oo aad ku sharraxeysaan go’aankiinna,” ayuu yiri Brendan.

Maxaa lagu haystaa?

Shaqaalaha shirkadda oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa la sheegay inay si xiriir ah u isticmaaleen xogta dad Ameerikaan ah ee ku jirta Tiktok.

Brendan Carr oo warqadda uu qoray soo dhigay bartiisa Twitter wuxuu yiri: “Tiktok ma aha sida ay u muuqato oo ah meel lagu wadaago muuqaallo madaddaallo ama shactiro ah. Waa qalab wax lagu basaaso (ilaaleeyo). Wuxuu soo saaraa tiro badan oo xog xasaasi ah oo mid shakhsiyadeed ah.

Tiktok wuxuu ururiyaa wax kasta, laga billaabo bogagga wax laga raadsado ee internetka iyo kuwa website-da laga booqdo.”

Mas’uulku wuxuu ku eedeeyay, isagoo adeegsanaya cilmi-baareyaal in Tiktok uu adeegsado teknoolajiyad xusuusan karta wejiga iyo codka qofka iyo inuu xog ka ururiyo meesha uu qofku ku sugan yahay, farriimaha (oo ay ku jiraan qaar aan weli la dirin – draft) iyo sawirrada mobile-da ku jira.

 

Saameynta ka dhalan karta tirista Tiktok

Google Play

Muddo sanado ah ayay taagan tahay eedda loo jeedinayo Tiktok ee la xiriirta ku xadgudubka xogta gaarka ah. Hase yeeshee, haddii ay shirkadaha waaweyn ee warqadda loo diray ay fuliyaan codsiga, arrintan uma muuqato mid saameynteeda ay ku koobnaan doonto oo keliya dadka jooga Mareykanka.

Isbeddelka suuqyada dhijitaalka ah ee Apple iyo Google wuxuu saameyn karaa qof kasta oo telefoonnadooda haysta, meel kasta oo uu adduunka ka joogo.

Waxaa suurtagal ah in aad berri soo toosto telefoonkaaga oo aanu ku jirin Tiktok.

Saameynta ugu horreysa waa in dadka qabatimay ay weyn doonaan isticmaalkiisa. Sidoo kale, dadka caanka ku noqday ee shacbiyadda ku kasbaday waxay lumin doonaan taageero iyo saameyn.

Arrinta intaas oo dhan ka muhiimsan waa in lacagta laga helo ay meesha ka bixi doonto.

Dhaqaale ahaan lama mid ah sida bogagga kale ee ay bulshadu ku xiriirto sida YouTube. Laakiin,  muuqaallada tooska ah ee haddiyadaha la isugu diro iyo xayeysiimaha ayaa lacagta ugu badan laga helaa.

Ma tahay qudhaada in aad ka walaacdo isticmaalka Tiktok?

Shirkadaha internet-ku waxay ururiyaan macluumaadka dadka sababo badan dartood. Waa xaqiiq bannaanka taalla oo aan lagu muransaneyn. Hase yeeshee, waxaa walaac leh maxaa xogtaas lagu sameeyaa? Yaa haya oo arki kara? Maxayse kuu dhimi kartaa qof ahaan haddii si qaldan loo adeegsado?

Mid ka mid ah sababaha ay shirkaduhu u ururiyaan xogtaas waa in ay la socdaan hab-dhaqanka iyo dabeecadaha macaamiishooda, waxay ku doodaan in ay taas u sameeyaan si ay dadka u soo bandhigaan xayeysiimo sax ah.

Waxaa laga yaabaa halista ka dhalan karta tallaabooyinkaas in aysan dad badan hadda ku baraarugsaneyn, balse ma howl yara marka aadan u madax-bannaaneyn maamulista xogtaada taalla internetka.

Keliya Tiktok ma aha, waxaa jira walaac guud oo laga qabo shirkadaha la midka ah.

Arrinta ay tahay in aad si dhab ah u qaadato waa in sawir, qoraal, muuqaal ama wax kasta marka aad daabacdo uu maamulkooda gacantaada ka baxay. Xitaa haddii aad tirto cid kale ayuu u keydsan yahay dib baana loo wadaagi karaa – kama hadlayo dadka kula midka ah, balse shirkadaha ayaa keydsada wax kasta oo lagu soo dhigo barahooda.

Ku talaxtegidda caannimo-raadinta

Waayadan way fududdahay in caan la noqdo isticmaalka internetka dartiis. Da’ yari, baraarug-la’aan, aqoon-yari, ama talooyin qaldan oo la raacay tan ay tahayba, waxaa Soomaalida dhexdooda ku badan dadka caannimada ku raadiya si aan dhaqanka ku habooneyn.

Ku talaxtagidda caannimo-raadinta si guud ayay u saameyn ugu yeelatay bulshada. Sow kulama aha in la joogo markii uu qof kasta ku xisaabtami lahaa mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, gaar ahaan carruurta? Ma fiican tahay in carruurteenna ay halyeeyo ay ku daydaan u arkaan dadka caanka ka ah baraha bulshada oo qaar dhaliilo badan la huwiyo wadaagyadooda iyo dhaqamadooda?

Qorshaha ku darso caannimada aad ku talaxtagtay inay dhammaad leedahay oo maalin un la xiri karo bogga aad noloshaada ku bi’isay.

Tiktok oo caan ku ah muuqaallada gaagaaban waxaa leh shirkad Shiineys ah oo lagu magacaabo ByteDance. Dadka adeegsada tiradooda waxaa sanadkii hore lagu sheegay hal bilyan, waxaana la qiyaasayaa in ay dhamaadka sanadkan tiradaas ku dhowaato labo bilyan.