Sababta Hindidu uga cimri gaaban yihiin dadka kale

Dalit women
Bulshada Dalit ee 230 milyan gaaraya ayaa la kulma takoor

Ilmaha ku dhasha Hindiya ayaa filanaya inuu noolaan karo ilaa 69 sano, waana da’ saddex sano ka yar dadka dunida inteeda kale ku nool.

Balse farqiga ka dhex jira muddada nolosha – oo ah sanadaha celceliska ah ee qofku noolaan karo – ee bulshada Hindiya ayaa ah mid baaxad weyn, sida laga soo xigtay daraasad cusub.

Dadka ka soo jeeda bulshada ugu saboolsan dalkaas – adivasis ama dadka asal ahaan ka soo jeeda Hindiya, ee Dalit (oo markii hore loo yaqaannay kuwo aan la taaban karin) iyo Muslimiinta – ayaa laga yaabaa inay ka hor geeriyoodaan qowmiyadaha kale sida Hinduuda awoodda ku leh dalkaas, sida laga soo xigtay daraasad ay sameeyeen baarayaasha kala ah: Sangita Vyas, Payal Hathi and Aashish Gupta.

Waxay baaritaan ku sameeyeen xogta saxda ah ee caafimaadka in ka badan 20 milyan oo qof oo ka soo jeeda sagaal gobol oo Hindiya ku yaalla oo ay ku nool yihiin ilaa 1.4 bilyan oo qof.

Baarayaasha ayaa ogaaday in muddada nolosha bulshooyinka adivasis iyo Dalit ay afar ama saddex sano ka yar tahay Hinduuda. Muslimiinta ayaa iyaguna la sheegay in muddadooda nolosha ay sanad ka yar tahay tan Hinduuda.

Aanu u sii kala qaadno rag iyo dumar.

Waa kuwan sanadaha haweenka nasiibka daran ee Hindiya ay fishaan inay noolaadaan: 62.8 sano oo ah muddada nolosha haweenka adivasis, 63.3 kuwa ka soo jeeda Dalit iyo 65.7 oo ah haweenka Muslimiinta ah. Haweenka ka soo jeeda Hinduuda awoodda leh ayaa muddadooda nolosha ay tahay celcelis ahaan 66.5 sano.

Most Indian Muslims work in the low paying informal sector of India's economy
Ilaa 200 oo milyan oo Mulsimiin ah ayaa ku nool Hindiya

Waa tan muddada nolosha ragga nasiibka daran ee dalkaas: 60 sano oo ah ragga ka soo jeeda adivasis, 61.3 oo kuwa Dalit, iyo 63.8 oo ah kuwa Muslimiinta ah. Celcelis ahaan ninka Hinduuda ka soo jeeda ayaa noolaan kara 64.9 sano.

Farqigan u dhaxeeya bulshooyinkan ayaa wuxuu u dhigmaa kan u dhaxeeya bulshooyinka caddaanka iyo madowga Mareykanka, sida ay baarayaashu sheegayaan.

Waxaa farqigan loo aaneeyaa dawada, nadaafadda iyo caafimaadka bulshada. Hindiya ayaa si kastaba xoogaa horumar ah ka sameysay muddada uu qofku noolaan karo: nus qarni kahor, celcelis ahaan qofka Hindiya u dhashay wuxuu noolaan jiray ilaa da’da 50-meeyada. Haatan waxay sii noolaan karaan ilaa 20 sano oo dheeri ah.

Warka xun ayaase ah in inkastoo muddada nolosha ee guud ahaan qowmiyadaha dalkaas ay korortay, kala qeybsanaanta u dhaxeysa aysan yaraan, sida lagu xusay daraasad taas la xiriirta oo ay sameeyeen Aashish Gupta iyo Nikkil Sudharsanan.

Meelaha qaar, kala qeybsanaanta ayaaba sii korortay: farqiga u dhaxeeya muddada nolosha ee ragga Dalit iyo kuwa Hinduuga ah, tusaale ahaan, ayaa kordhay intii u dhaxeysay sanadihii 1990-meeyadii iyo bartamihii 2010-kii. Inkastoo haddana Muslimiintu ay dhexdhexaad ahayd muddada ay noolaan karaan marka loo barbardhigo bulshooyinka qaniga ah sanadihii 1997-2000, farqigan ayaa kordhay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Members of tribal community from various parts of Maharashtra during protest organized by Satyshodhak Shetkari Sabha and Satyashodhak Gramin Kashtkari for Water, Forest and Land at Azad Maidan on October 23, 2018 in Mumbai, India. (

Hindiya waxay hoy u tahay qaar ka mid ah bulshooyinka ugu badan uguna saboolsan dunida. 120-ka milyan ee adivasis – “oo ah bulsho aan muuqan oo laga tiro badan yahay”, sida ay taariikh yahannadu u dhigeen – ayaa saboolnimo ugu nool meelaha miyiga ah ee dalkaas. Inkastoo siyaasad iyo bulsho ahaanba loo taageeray, haddana 230-ka milyan ee qowmiyadda Dalit ayaa weli wajaha faquuq. Ilaa 200 oo milyan oo Muslimiin ah, oo ah tirada saddexaad ee ugu badan dal walba oo dunida ah, ayaa weli ka hooseeya bulshooyinka qaar dalkaas waxayna marar badan bartilmaameed u noqdaan rabshado.

Maxaa lagu fasiri karaa farqiga u dhaxeeya mudda nolosha bulshooyinkan kala duwna?

Arrinta xiisaha leh ayaa ah sidan.

Baarayaasha ayaa sheegay in farqiyada u dhaxeeya meelaha ay dadku ku nool yihiin, maalkooda iyo deegaanka ay wax ka yar kala bar ka yihiin farqiyadan u dhaxeeya. Tusaale ahaan, daraasadda ayaa ogaatay in bulshooyinka adivasis iyo Dalit ay muddo ka gaaban tan Hinduuda noolaadaan marka laga eego dhanka farqiga hantida.

Si loo fahmo sida takoorku u saameeyo dhimashada, Hindiya waxay u baahan tahay inay sameyso baaritaan. Waxaa jirta caddeyn muujineysa arrintan, tusaale ahaan, Muslimiinta ayaa noolaada muddo ka dheer tan adivasis iyo Dalit. Waxaa ku yar goobaha furan ee lagu saxaroodo kuwaasoo caafimaadka carruurta saameyn ku yeesha, waxaa ku yar haweenka uu ku dhaco kansarka minka, aalkolada iyo dadka is dila.

Muslim Volunteers wearing protective suits from Jamiat Ulama-i-Hind ( Socio-Religious organization of Indian Muslims) along with relatives lower the body of a covid-19 victim for burial at a graveyard
Diwaan gelinta dadka ku geeriyooday Hindiya ma dhammeystirna

Waxaa sidoo kale jirta caddeyn ah in bulshooyinka saboolka ah ay takoor kala kulmaan iskuullada iyo la dhaqanka saraakiisha dowladda taas ii saameyn ba’an oo dhanka caafimaadka jirka iyo maskaxdaba ku yeelata. Arrimahaas ayaa lala xiriiriyay cudurro badan oo laga qaado isku buuqa. Bulshoyinkan ayaan sidoo fursad fiican u helin daryeel caafimaad oo tayo leh iyo waxbarasho, kuwaasoo lala xiriiriyo caafimaad liita.

Kooxaha saboolka ah – sida shaqaalaha fayadhowrka – ayaa waxay halis ugu jiraan cudurro iyo dhimasho. Baarayaasha ayaa sheegaya in xogtan ay muujineyso inay muhiim tahay farqiga bulshada u dhaxeeya maaddaama xusidda sinnaan la’aanta dhaqaale aysan ku filneyn muujinta arrintan.

Farqiga u dhaxeeya bulshooyinkan ayaan keliya ku koobneyn Hindiya: waxaa jira caddeyn muujineysa in farqi kuwan oo kale ah ay ka jiraan Mareykanka Australia iyo UK.

Balse Hindiya ayaa u baahan inay xog dheeraad ah ka hesho waxa sababay dhimashada si loo ogaado sida takoorku uu saameyn ugu leeyahay caafimaadka. Diwaan gelin xumada ayaa waxay la micno tahay in qiyaastii 10 milyan oo dhimasho ah oo dhacda sanad walba, toddoba milyan oo ka mid ah aanan la xusin waxa sababay halka saddex milyanna aanan laba diwaan gelin. Sida ay baarayaashu sheegayaanna, waxaa sidoo kale jirta baahi loo qabo in la muujiyo takoorka ka dhex jira waaxda caafimaadka iyo in sidoo kale la horumariyo helitaanka adeegyada caafimaadka ee bulshooyinka saboolka ah.