Shir horudhaca oo Jabuuti uga furmay Madaxda Somaliland & Somaaliya+Sawirro

Madaxtooyada dalka Jabuuti waxaa goordhaweyd shir horudhac ah ku yeeshay Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland, waxaa sidoo kale shirkan qeyb ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Shirkan horudhac ahaa ayaa ahaa mid is arag iyo kala waraysi  waxaana la filayaa in wadahadalo kale oo toos ah ay yeeshaan Madaxda Somalia iyo kuwa Somaliland.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa dhax dhaxaadinaya labada dhinaca ee Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana jiri doono kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac yeelan doonaan.

Shirkan la isugu keenayo Madaxda Soomaaliya iyo kuwa  Somaliland ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyay oo labada dhinac isku arkaan, waxaana laga war sugayaa natiijada kasoo bixi doonto gaba gabada wadahadalada labada dhinac.