Warbixintii Baarlamaanka SL ay ka soo saareen dadqalnimadii qorshaysnayd ee 11 August, 2022 waddanka ka dhacday, oo dhawr jeer aan akhirskeeda ku noqday, dhawr kan qodob baa ii gu la yaab badnaa:
1: Baarlamaanku waxa ay warsadeen Wasiir Kaahin iyo Dabagale, jawaabo is burinaaya ayayna su’aal is ku mid ah ka bixiyeen, taas oo ahayd shicibka mudaharadaayay miyay hubaysnaayeen? Ka hore wuxu yidhi – shicibku ma hubaysnayn, wax xabado ahi na dhinacooda ka ma iman. Mr Dabagale, oo is la su’aashaas la weydiiyay, waxa uu yidhi – haa, shicibku waa hubaysnaayeen. Xabado nool ayay soo ridaayeen, mid ka mid ah xabadahaasi na, nin askari ah oo baabuur wada ayay dhegta agteeda u martay. Dabagale jawaab raqiis ah ayuu bixiyay, waanu ogyahay in aanu qofna ka siisanayn, xataa isagu ma rumaysna. Wuu ogyahay shicibku hadii ay hal qori sidan lahaayeen, in aanay fulayaashii Muuse soo diray dhalinyarada madaxa iyo dhabarka ka toogteen.
2: Gudida Baarlamaanku waxa ay ka warrameen wiil dhalinyaro ah, oo meel mudaharaadka ba ka baxsan isaga oo soconaaya, ay niman hubaysan oo baabuur shicib wataa eryadeen, oo aakhirkii dhabarka ka toogteen isaga oo baxsanaaya, markii dambe na, isaga oo dhulka yaalla ay baabuurka jiidhsiiyeen. Nimankaasi wiilkaas maydkiisa waa qaateen, cisbitaalka Hargeysa ayayna ku tureen. Dhacdooyin dhawr ah oo taasi ka mid tahay ayay warbixintu soo qaadatay, Dabagale na waxa uu sheegay in wiilashaas dharka shicibka xidhani ay sirdoonka ka tirsanaayeen, falkooda na la baadhaayo. Mar kale, Dabagale dhab buu u ogyahay, dadku na dhab ayay u ogyihiin, in aan nimankaas falkooda waxshinimada ah la baadhayn. Dabagale Wuu ogyahay in uu been qayaxan oo qaawan sheegaayo, dadku na waa ogyihiin. Wiilashaas oo magacdooda la wada garanaayo, Dabagale iyo Muuse, iyo wiilashiisu baa ad iyo aad ayay mafsuud u gu yihiin wixii ay sameeyeen. Fariin ah shicibka ku dil barta oo ku dhug barta ayay wiilashu ku socdeen, waanay fuliyeen wixii la faray. Hab fikirka iyo caqiidada Muuse ee nacaybka iyo xumaanta ku dhisan ayay dhacdadaasi tusaale wacan u tahay, hadiiba ay wax uun muujinayso.
3: Gudiga baarlamaanku waxa ay sheegeen in dadkii ay warsan lahaayeen qaarkood ay ka diideen in ay u warramaan. Dadkaas waxa ka mid ah saraakiil ciidan iyo maamulayaal degmo/gobol, ma na la yaabin runtii. Ta cajiibka ahi waxa weeye, in uu Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa uu diiday in uu Gudigaas Baarlamaan siiyo xogta dadka dhaawacmay ama dhintay ee cisbitaalkiisa soo gaadhay. Ninkaasi waa qarabaada Muuse, waxaanu meel is ka dhigay xilkii saarnaa ee adeeg-bixiye caafimaad. Qabiilnimada ayaa fartay waajib ka weyn kii asalka ahaa ee saarnaa, waajibkaas oo ah asturidda nidaamka iyo dadqalnimadii dhacday. Waxaanu se ogayn, amaba uu ogyahay, in dadqalnimadii aanay asturmin, iyo in isagu uu keligii yahay ka qaawismay. Duf ku bax dheh.
Is ku soo wada duub – warbixintaasi waxa ay muujisay wixii dhacay in aanu mudaharaad diid keliya ahayn ee uu ahaa cadaawad yuururta oo bilaa maryo ah. Dadaalka Baarlamaanku waxa uu hormuud u yahay dadaal qaran oo la gu sugaayo, oo la gu faahfaahinaayo budhcadnimadii shaadhka dawladeed gashanayd ee August 11, ka dib na talaabooyin gudaha ah iyo kuwo debedeed ba la ga qaado shakhsiyaadka waxaas ku lug lahaa. Waan hambalyaynayaa baarlamaanka.
Waxa Qoray:
Maxamed Haaruun Biixi