Xiisadda Taiwan oo saamaysay Maraakiibta Ganacsiga ee caalamka+Taiwan oo Baajisay Maanta 50 duulimaad

Maraakiib

Maraakiibta ganacsiga oo lagu qasbay inay ka leexdaan Taiwan xiisadda darteed

Dhoolatuska milatari ee ka socda Taiwan ayaa ku qasbay maraakiibta in ay ka weecaan ku safridda mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan adduunka.

Ku dhowaad kala bar maraakiibta xamuulka qaada ee caalamka iyo 88% maraakiibta ugu waaweyn dunida ayaa sanadkan maray marin-biyoodka Taiwan, sida laga soo xigtay Bloomberg.

Carqaladeynta maalmahan socotay ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato silsiladaha saadka oo ay keento dib-u-dhac ku yimaada maraakiibta caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Taiwan, Taoyuan, ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah la baajiyay in ka badan 50 duullimaad oo caalami ah, sababo la xiriira howlgalka militeri ee Shiinaha uu ku samaynayo dhoollatuska cabsi gelinta ah.

Duullimaadyada baaqday waxaa ka mid ah 26 imaanayay garoonka Taiwan iyo 25 kale oo la filayay inay ka baxaan.

Hawada Kuuriya ayaa sidoo kale laga joojiyay duullimaadyo ka tagay Incheon oo kusii jeeday Taiwan maalmaha Jimcada iyo Sabtida, halka shirkadda diyaaradaha ee Asiana Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii tooska u tegi jiray Taiwan maalinta Jimcada.

War kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in si dhow loola socon doono xaaladda, sida ay tebiyeen warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

Diyaaradaha rayidka ayaa ka cabsanaya in ay haleelaan hubka ay ridayaan militeriga Shiinaha.

Taiwan ayaa igoor dhawayd shaacisay in ay isku diyaarinayso dagaal maskaxeed, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Golaha Taiwan u qaabilsan arrimaha dhul-waynaha Shiinaha ay aaminsan yihiin in xukuumadda Beijing ay tallaabada militeri ee dhoollatuska ah uga gol leedahay in ay waddankooda ka go’doomiso dunida inteeda kale, ayna joojiso taageerada ay ka helaan waddamada kale ee caalamka.