Writen by Qaran News |

warisaminauk
London,(Qaran-news) Marwada madaxweynaha Somaliland Amina Waris ayaa labadii cisho ee ina soo dhaafayba si dhuumaalaysi ah ugu sugnayd dalka Ingriisika gaar ahaan magaalada London, iyada oo si qarsoodi ah doraad uga soo kicitintay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Hadaba laba war oo is khilaafsan oo midba ka kale ka daranyahay ayaa ka soo baxaaya socdaalka dhuumashada ah ee Amina Waris, war ayaa sheegaaya in Amina Waris ay u yeedhay dawalada Ingriisika oo ka mid ah dalalka aadka u caawiya Somaliland isla markaasina xalada dalka iyo cida gacanta ku haysaba aad ula socta, taasi oo ay wararku sheegayaan in arimo xaasaasi ah lagala hadlaayo marwada oo ah shaqsiga ugu awooda badan dalka Somaliland islamarkaasina ay awooda dalku gacanta ugu jirto.

War kale oo aanu helayno ayaa sheegaaya in Amina Waris loo haysto lacag xad dhaaf ah oo ay dalka Ingriiska soo gashatay, taasi oo hore lacgtaasi loogu qabsaday wasiirka madaxtooyada xiligii uu dalka Ingriiska maraayay bishii hore, waxna jirtay lacag sanad ka hor ay dawlada Kuwait siisay madaxweyne Siilaanyo oo lacagtaasi badanikeeda uu wasiirka madaxtooyadu u soo qaaday dalka Ingriiska, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xaga Somaliland oo ku saabsan socdaalka dhuumashada ah ee Amina Waris ee aan cidiba ogayn, mar aanu isku daynayn in aanu la xidhiidhno oo aanu arimahani wax ka waydiino Amina Waris way noo suurto gali wayday, hase ahaatee ilo ku dhow dhow Amina Waris ayaa sheegay in ay ilaa shalay ku mashquulsanayd arimo qareeno iyo guclayn.

La soco waxii ka soo kordha socdaalka marwada madaxweynaha ee dhuumashada ah