Writen by Qaran News |

Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wajahan Maxkamadda sare ee jamhuuriyadda Somaliland markay u garnaqiwaydo saddexda rukun ee dawladda siday ugu garnaqi bulshada dulman.
Ka dib markii uu guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdullahi ka degay xilkii uu muddadad dheer golaha ka soo hayey.
Waxaa golaha wakiillada shir uga qabsoomay aqalka ay ku leeyihiin Hargaysa markay taariikdu ahayd 6/8/2017 .
Waxaa xilkii uu bannneeyey u tartamay laba xildhibaan oo kala ah Mudane Cabdiraxman Maxamed Talyanle iyo Bashe Maxamed Farax.
Waxaa warbaahinta laga arkaayey in ay caddeeyeen 39 xildhibaan gacanta u taageen Mudane Cabdiraxman Maxamed Talyanle. 38 xildhibaanna gacanta u taageen mudane Bashe Maxamed Farax.
Taas maxkamadda way u fududayd go,aan qaadashadu waxaana markhaati u ahaa xildhibaanna iyagu si caddeeyey.
Waxaa iswaydiin leh makamadda ee dalka sababta ay ugu garnaqi wayday ee golihii khilaafku ka dhex dhacay dib ugu celisay,
Arrimhaas oo dhan marka dhinac walba laga eego waxaa soo baxaya.
In aanay maxkaddu ka baaraandegin go,aanka.
Guddoomiyaha maxkadda sare dalka in uu xilka ka dego ama garsoorka sidiisa u fuliyo.
In ay xildhibaannada golaha wakiilladu badbaadiyaan jirtaanka dalka sida ay hadda yeeleen.
Bulshada reer Somalinad in ay ilaashadaan nabadgelyadooda kana feejignaadaan wax kasta oo dalka dhib u keeni kara.
Culimadu in ay doorkooda ka qaataan khilaafyada.
In loo tudho bulshada la dhibaataysan sicirka aan deggenayn dawladdu ka gaabisay.
In la badiyo xasuusta Allah

Deeq Cabdi
digale53@hotmail.com