Warshad nukliyeerka lagu sameeyo oo Gebi ahaanba faraha ka baxday

Warshadda nuliyeerka Ukraine

Warshad aad u wayn oo lagu sameeyo tamarta nukliyeerka oo ay qabsadeen ciidamada Ruushka ee duullaanka ku galay Ukraine ayaa “gebi ahanaba faraha ka baxday”, sida uu shegay madaxa hay’adda arrimaha nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Rafael Grossi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa sheegay in warshadda Zaporizhzhia ay u baahan tahay dib u eegis iyo dayactir.

“Waxyaabo badan ayaa socda, oo aan loo baahnayn in ay ka socdaan meel u dhow warshad nukliyeer lagu sameeyo,” ayuu yiri.

 Warshaddan oo ah tan ugu wayn qaaradda Yurub ee awoodda nukliyeerka ayaa si halis ah ugu dhow dagaalka so socda Ukraine.

 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa horaantii Isbuucan Ruushka ku eedeeyay in warshaddaas, oo ay la wareegeen bishii March, ay u adeegsanayaan saldhig militeri oo ay ka weeraraan ciidamada Ukraine.

Saraakiisha dowladda Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay ciidamo geeyeen warshadda ayna qalab militeri ku kaydsadeen gudaha dhismaha warshaddan oo ku taalla meel u dhow webiga Dnipro ee mara waqooyiga Ukraine.

Balse mas’uulka ay dowladda Ruushka gaysatay gobolkaas ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada Ukraine ay hubka ay reer Glabeedka siiyeen u adeegsanayaan inay ku weeraraan warshadda.

Warshadda nukliyeerka Ukraine

Yevgeny Balitsky ayaa sheegay in saraakiishu ay diyaar u yihiin inay tusaan hay’adda uu hoggaamiyo Mr Grossi, oo ah Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomic-ga (IAEA), sida ay Ruushka u difaacayeen warshadda halka ciidanka Ukraine ay weerarayeen, sida uu ku eedeeyay.

Markii ay militeriga Ruushka la wareegeen warshaddan, waxaa caro caalami ah dhaliyay madaafiic ay ku duqaynayeen dhismeyaal.

Warshadda nukliyeerka ayaa wali shaqaynaysa, waxaana ka howl gala shaqaale u dhashay Ukraine, halka ay Ruushkuna maamulkeeda gacanta ku hayaan.

Madaxa IAEA, Grossi, oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayaa yiri: “Xaaladdu waa mid aad halis ugu jirta. Waxaa lagu xad gudbay qod kasta oo ku saabsanaa ilaalinta amniga nukliyeerka, mana aqbali karno in ay arrintaas sii socoto.”

Waxa uu mas’uulkan sheegay in uu isku dayayo sidii uu u diyaarin lahaa howlgal sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan loogu booqdo warshaddaas, balse arrintaas ayaa u baahan in ay ansixiyaan Ruushka iyo Ukraine labadana.

 Sidoo kale waxaa fasax looga baahan yahay waaxda oggolaanshaha ee Qaramada Midoobay, maadaama ay jirto halis ka taagan gobolka la booqanayo.

Warshadda nuliyeerka Ukraine

Bishii June ee sanadkan, hay’adda nukliyeerka u qaabilsan dowladda Ukraine ayaa sheegtay in xukuumadda Kyiv aysan casuumin hay’adda IAEA – booqasho kasta oo noocaas ahna ay xaqiijinayo sharci ahaanshaha joogitaanka Ruushka.

Isbuucan, Grossi ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay u baahan yihiin ilaalo haddii ay gaaraan warshadda Zaporizhzhia – taasoo micnaheedu yahay in ay wadashaqeyn dhex marto Ruushka iyo Ukraine.

“Waxaan ka codsanayaa labada dhinacba in ay oggolaadaan in la fuliyo howlgalkan,” ayuu yiri.

Ukraine ayaa Ruushka dhowr jeer ku eedeysay in ay warshaddaas gabbaad ka dhiganayaan. Halis aad u wayn ayaa ka dhalan karta in ay waxyeello kaarto warshadda oo ay ku jirto sunta wax gumaadi karta.

Sanadkii 1986-kii, waqooyiga Ukraine waxaa ka dhacday musiibadii nukliyeerka ee ugu darnayd caalamka, kaddib markii uu qarax ka dhacay warshadda Chernobyl.

Ciidanka Ruushka ayaa sidoo kale isla warshaddaas Chernobyl qabsaday wax yar kaddib markii billowday dagaalka Ukraine oo qarxay 24-kii bishii February.