Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, oo ahayd War-saxaafadeed lagaga hadlayay arrimaha doorooshiyanka Somaliland iyo muddo kordhintii Guurtidu sameysay ayaa lagu arkay hadallo is burinaya, oo u muuqda inaanu ka soo bixin hal meel, si gaar ahna uu muuqda hadal qof ka dhex baxsan dawladda Somaliland qoray ama ka dhex hadlayo.

Warqaddan oo lagu baahiyay baraha bulshada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa tuducyada hore waxay Wasaaraddu taageeraysaa go’aankii muddo kordhinta iyo go’aankii Komishanka.

Hase ahaatee, tuduca ama paragraph-ka labaad ayaa waxa soo dhex gelaya qof si shakhsi ah u hadlaya, isagoo leh: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aankii Guurtida…”. Halka tuduca saddexaadna isla qofkaasi uu leeyahay: “Maamulkaygu wuxuu la shaqayn doonaa Somaliland, si doorashooyinka soo socdaa si habsami leh ugu qabsoomaan”.

Hadalka noocan ah ayaa tusinaya inaan warqaddani ka soo bixin Wasaaradda oo kaliya, ee uu jiro qof ama dhinac kale oo si toos ah warqadda uga dhex hadlaya. Iyadoo warqaddani jahawareer ku ridi karta beesha caalamka ee loo qoray, la isna weydiin karo cidda hadlaysa.